arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wiil Dhalinyaro Ah oo Dalabaadka Pizza-ha Guryaha Gaarsiiya oo Fal Uu Sameeyay Ku Mutaystay 18-sano oo Xabsi Ah

Wiil dhalinyaro ah oo guryaha gaarsiiyay dalabaadka Pizza-ha, ayaa la filayaa in lagu xukumo 18-sano oo xarig ah, kadib markii ay kaamirooyinka ilaalada ee ugaarka ah macmiil ay soo qabatay isagoo fal aad u liita ku sameynaya Pizza-ha.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail, Camarada ayaa soo qabatay isagoo ku candhuufaya Pizza-ha, inta aanuu gaarsiin macmiilkii dalbaday, gudaha dalka Turkiga, waana uu isa sawiray oo muuqaal uu iska duubay markii uu ficilkaa uu sameynayay.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa ku doodaya inuu doonayay inuu hubiyo Pizza-ha, kadib markii shil uu kula kulmay wadada intii uu sii socday, laakiin shaqadii waa laga eryay, hadda waxa uu waajahayaa maxkamadeyn.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa lagu soo eedeeyay inuu nolosha dadka kale khatar geliyay, isagoo maaddo sun ah cunnadii ku daray, raashinkiina halleeyay, dambigan ayaa haddii lagu helo ciqaabtiisu u dhaxeysaa 2 ilaa 15 sano oo xabsi ah.

Waxaa lagu soo eedeeyay maxkamad u gaarka ah dadka macaamiisha ah oo ku ridday xukun 3 sano iyo 4 bilood oo xabsi ah, maadaama uu raashinka khatar geliyay, caafimaadka macaamiishna uu halis u horseeday.

Maxkamadda dambiyada Turkiga ayaa waqti siisay gal-dacwadeedkan ilaa inta ay ka dhammaaneyso baaritaannada oo loo xil-saaray dad khubaro ah si ay khatarta u qiimeeyaan, halka sidoo kale la hakiyay fulinta xukunkii ay ku ridday maxkamadda macaamiisha u gaarka ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close