WararkaWaxbarashada

Nasiibkaa u Hiilliyay.. Da’yar Garaacay Albaabada Dadka Taajiriinta Ah

Da’yar Ingiriis ah oo ka soo jeeda qoys sabool ah ayaa waxaa u suurogashay inuu jago fiican ka helo shirkad maalgashi, iyadoo ay jirto in waxbarashadii iskuulkiisa looga soo eryay dhaqan xumo darteed.

Da’yarkan oo la yiraahdo Raggie Nelson oo asal ahaan Afrikaan ah, ayaa hooyadii kula nolaa guri lagu xanaaneeyo dadka dakhligoodu hooseeyo.

Markii 14 sano jir uu gaaray, ayaa iskuulka laga soo eryay, boolisku isha ayay ku hayeen, dhaqankiisa oo aan wanaagsaneyn dartii. laakiin iyadoo arrimahaas oo dhani ay jiraan ayaa waxa uu go’aan saday inuu is-bedel dhanka nolosha ah uu sameeyo. maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa uu daawaday barnaamij telefishin oo dadka taajiriinta ah lagula kulmayo, kaas oo su’aal aasaasi ah lagu weydiinayo; sideed ku taajirtay?

Nelson, waxa uu isku dayay inuu isla barnaamijkaa mid la mid ah uu sameeyo, waxa uu howl ka bilaabay inuu guryaha taajiriinta garaaco ee ku yaalla xaafadda Gloucester Road ee magaalada London, guriga uu garaaco marka albaabka laga furo, waxa uu weydiinayay su’aal: “Si fudud waxaan doonayaa inaan u ogaado xirfadaha lagama maarmaanka ah ee idiin horseedday inaad ku noolaataan xaafaddan sare, si aan u dhaqan geliyo aniguna.”, waxa uu helayay jawaabo caaadi ah: si wanaagsan wax u baro oo khibrad yeelo. maalin maalaha ka mid ah ayaa waxaa iridda ka fortay xaaska maamulaha shirkadda BlackRock ee maalgeshiga sameysa (Elizabeth Price), waxey ku tiri, bal soo gal oo shaah ila cab.

Quintin Price,  oo ah maamulaha shirkadda BlackRock, ayaa da’yarkan aad ula dhacay, waxaana uu ku casuumay in hal-maalin shaqdda u raaco, laakiin isbuuc ayuu uga dhigay, kadibna bil, kadib macallin fiican ayuu u qabtay waxaanuu ku qanciyay inuu waxbarashadiisa jaamcadda uu sii wato.

Markii Bachelor’s degree qaatay, ayuu koorasyo fiican ka qaatay shirkado maalgashi oo London ku yaalla, hadda waxa uu ka shaqeeyaa shirkadda (Legal & General Investment Management Limited).

Wiilkan dhalinayrada ah ayaa xilliga uu firaaqada leeyahay waxa uu wax baraa dadka kale, waxa uu yiraahdaa: “Waxaan doonayaa inaan ku hago dhalinyarao badan oo asalkooda Afrikaan yahay iney ku soo biiraan dhanka maalgashiga oo ay ku yar yihiin, koorsooyinka la qabto oo ay ka qeybgaleen 9 kun oo qof, waxaa ka najaxay 115 qof oo ay ku jiraan 3 qof oo asalkoodu uu Afrikaan yahay.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close