WararkaWaxbarashada

Sawir “Murugo Badan” oo Laga Qaaday Haweenay Ku Dul Ooyaysa Qabriga Ninkii Ay u Doonneyd Maalitii Arooskeeda

Haweenay aroosad ah ayaa faafisay sawrro murugo badan, iyadoo wadata dharkii arooska isla markaana joogta qabriga ninkii guursan lahaa oo dhintay ka hor maalintii arooska oo la ballansanaa.

Sida uu qoray website-ka The Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxa,  Jessica Padgett waxey u doonaneyd Kendall Murphy oo la filayay inuu arooskoodu dhaco September 29, laakiin Murphy intii aan ballantii la gaarin ayuu geeriyooday, waxa uu ka shaqeynayay  dabdamis, Montgomery, gobolka Indiana ee dalka Mareykanka.

Ilo-wareeryada la helayo ayaa sheegaya in Murphy oo (26) jir ah uu geeriyooday November 2017, isaga iyo saaxiibkii, kadib markii gaarigii ay wateen uu ku dhacay 3 gaari oo kale maadama darawalkii waday uu cabsanaa.

Si ay u nooleyso maalintii arooska loo ballansanaa, kaas oo aan loo qorin inuu dhaco, ayaa waxey booqatay qabriga Murphy, iyadoo wadata dharkii arooska, waxey ag-dhigtay dhirkiisii shaqada oo dhammeystiran oo aan waxba ka maqenyn.

Sawirro ayay ku soo gashay qabriga, iyadoo ay la socdaan qoyska iyo asxaabteeda oo garab istaag u muujiyay si ay muragadeeda ula qeybsadaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close