TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

“Artificial intelligence” u Xagliya Ragga Kana Hiilliya Dumarka Xilliga Shaqaaleysiinta.. Wax Ka Ogow Faahfaahinta

Shirkadda Amzon ayaa horumarin ku sameeyay nidaam Artificial intelligence, si uu uga caawiyo shaqaaleysiinta dadka, laakiin tallaabadaasi waxaa ka dhalatay natiijooyin lama filaan ah, kadib markii la ogaaday in nidaamku dhanka shaqaaleysiinta aanuu jeclayn dumarka.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, shirkadda Amazon, waxey sameysay koox enjineerro ah oo ka tirsan Jaamacadda Edinburgh ee Scotland, sanadkii 2014, si ay u helaan waddo ay ugu tiirsanaadaan Artificial intelligence robots-ka dhanka shaqaaleysiinta.

Enijeerrandan ayaa nidaamka u sameeyay 500 oo hab oo uu ku xulan karo (C.V), dadka u sharraxan shaqada cusub iyadoo lagu shubay 50-kun oo eray bixin aasaasi ah, Reuters waxey tiri: “Waxey doonayeen inuu noqdo nimaad qiimeeya CV-ga dadka, kadibna dadka kala xusha, hab cadaalad ah, si loo shaqaaleysiiyo.”

Laakiin markii ay sanad ka soo wareegatay, waxey Enjineeradii arkeen arrin welwel gelisay, in nimaadkii aanuu dumarka jeclayn, waa arrin sida muuqata uu ka helay khibraddii hal-ka sanno oo dadkii uu shaqaaleysiiyay ay rag u badnaayeen, nimaadkaas oo Amazon ay ku dhaqmeystay muddo 10-sano ah.

Sida laga soo xiganayo website-ka Business Insider, nidaamkan  Artificial intelligence waxa uu u hiillinayaa ragga, dumarka kaalintoodana hoos ayuu u dhigaa xilliga shaqaaleysiinta, Enjineerradu waxey isku dayeen iney nidaamka dib u hagaajiyaan, laakiin way hubin kari waayeen in nidaamka Artificial intelligence inaanuu mar kale ragga u xaglin doonin iyo in kale.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close