WararkaWaxbarashada

Sonkortu Iyadaa Dhalisa Rabshadaha!… Cilmi-baaris Laga Sameeyay 26 Dal

Cilmi-baaris cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in caruurta sonkorta badsada ay noqdaan rabshoolayaal alchol-ka iyo sigaar cabbis ku dambeeya.

Cilmi-baaristan oo laga sameeyay 26-dal oo ay isku howleen cilmi-baaryaal ay ka qeyb ahaayeen kuwo Ingiriis ah, ayaa waxey baaritaan ku sameeyeen xogta 100-kun oo qof oo ka qeybgalay, waxaana lagu ogaaday caruurta da’doodu u dhaxayso(11-15sano) ee sonkorta cabba ama u cuna si xoog ah ay ku badan tahay khatarta iney dhex dabaashaan dhaqamo ay khatarro badani ku hareeraysan yihiin, sida; dagaal, sigaar cabbis iyo iney rabshado ka qeyb noqdaan.

Natiijada daraasaddan ka soo baxday ayaa muujineysa in caruurta yaraantooda sonkorta jecel sida aadka ahna u cuna ay u badan tahay 78% iney ku dhacaan dhaqan xumo.

Cilmi-baarayaasha ayaa waxey is-barbardhigeen inta jeer ee ay sonkorta si xoog ah u cuneen iyo tirada inta jeer ee ay dagaal la galeen caruur kale, sigaar ay cabbeen ama alcohol ay isticmaaleen.

Waxey heleen xiriir adag oo ka dhaxeeya dhaqan xumada iyo isticmaalka sonkorta ee sare, isticmaalka sonkor cunista sare waxa la xiriirtay dagaal 23 dal 26-kii dal ee daraasaddan laga sameeyay.

Cilmi-baaryaashu waxey yiraahdeen: “Daraasaddani waxey adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay inaan caafimaadkeenna guud ilaashanno, innagoo isku xirayna cunnada aan qaadaneyno, caafimaadka iyo dhaqanka xilliga dhalinyaranimada.”

Daraasaddan ma aaney sheegin heerka sonkorta la dhihi karo waa mid sarreysa, laakiin hay’adda adeegyada caafimaadka waddaniga ah ee dalka Ingiriiska, ayaa ku talo bixineysa in caruurta da’doodu ka badan tahay 11-jirka aaney habbooneyn iney qaataan wax ka badan 30 gr oo sonkor ah. halka caruurta ka yaryar ee ay da’doodu u dhaxayso 4 ilaa 6-sano ¬†sonkorta ay isticmaalaan maalintii aaney ka badan karin 19 gr.

Maandeeq FM

Related Articles

Close