WararkaWaxbarashada

39-sano Kadib.. Halka U Dambeysay Dadkii Ku Waxyeelloobay “Musiibadii Ugu Xumeyd Adduunka” oo La Daahrogay

Daraasad cusub ayaa lagu daahrogay, halkii u dambeysay dadkii ku dhintay fulkaanada Vesuvius ee dalka Taliyaaniga ka qaraxday 39-sano ka hor.

Daraasaddan ayaa sheegtay in ilbiriqsiyo kadib fulkaanada Vesuvius August, 1979, uu fulkaano uu dhacay, heerka kulaylka waxa uu gaarsiisnaa in lafaha madaxa dadkii uu haleelay ay qarxeen, maskaxdooduna ay bislaato, xubnahoodii iyo hililbkoodiina ay dambas noqdeen, waa sida ay daraasadani sheegtay.

Daraasaddan ayaa intaa sii raacisay : “Xafidka naadirka ah ee lafaha dadkii ku waxyeelloobay fulkaanada, waxa ay tilmaamaamaysaa sida degdegga ah ee awoodda badan ee ay u daateen hilibka iyo xubnihii jilicsanaa markii ay dhimanayeen.”

Daraasaddana yaa lagu faafiyay Joornaalka cilmiga ah ee “Plos One“, bisha September, waxaa isku howlay cilmi-baaraal farabadan oo iskugu tagay.

Cilmi-baarayaasha ayaa soo saaray natiijada daraasaddan kadib markii ay baareen qolfoofka dadkii la helay ee ku dhintay (Herculaneum), waa deegaan ka fog 6 Km goobta fulkaanada ay ka qaraxday.

Khubaradan ayaa aaminsan in kulaylka daran ee ka soo baxaya folkaanada uu u dhaxeeyo 400 ilaa 500 0C.

Kulaylkii fulkaanada ka soo baxayay waxay ku qiyaaseen inuu 100 jeer ka awood badanaa kii ka dhashay qaraxii Nukliyeerka ee lagu qarxiyay Hiroshima iyo Nagasaki.

Waxaa xusid mudan, in la helay qolfoofka 1500 oo qof oo ka mid ah dadkii fulkaanada ku waxyeelloobay, iyadoo illaa hadda aan si dhab ah loo ogeyn tirada dadkii ku waxyeelloobay fulkaanada Vesuvius.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close