WararkaWaxbarashada

Ardayda Taajiriinta Ah Maxey Kaga Sarreeyaan Asaaggooda Ka Soo Jeeda Qoysaska Faqiirka ah?

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ardayda qoysaska hantida leh ka soo jeeda ay badan tahay fursaddooda ay jaamacadda kaga qalin-jabiyaan si ka badan labalaab kuwo qoysaska faqriga ah ka soo jeeda.

Sida caadiga ah, ardayda hibada leh ee ka soo joodeedda qoysyska dakhligoodu hooseeyo, waxey ka heeseeyaan heerka qalin-jabitan ardayda ka soo jeedda qoysaska hantida leh.

Cilmi-baarayaasha daraasaddan sameeyay oo ka tirsan Jaamacadda New York, ayaa adeegsaday liis xogtiisa laga uruuriyay hal-milyan oo human genome ah oo ay ku jiraan barbaarinta iyo inuu leeyahay genome xiriiri la leh guulo dhanka waxbarashada ah.

Cilmi-baarayaashu waxey is-barbardhigeen natiijooyinka cusub iyo howl gudashada jaamacadeed ee ardayga, waxey arkeen in ardayda hibada leh ay si isku mid ah ugu jiraan qoysaska taajiriinta ah iyo kuwa faqiirka ah labada.

Laakiin, ardayda hibada leh ee ka dhashay qoysaska dakhligoodu hooseeyo aan guushooda la damanaad qaadi karo, 24% ayaa suuragal ah iney jaamacadda si guulleh u dhammeeystaan, halka ardayda hibada leh ee qoysaska taajiriinta ah ka soo jeeda heerkooda qalin-jabita ay gaarsiineyd 63%.

Cilmi-baarayaashii daraasaddan sameeyay ayaa sheegay in natiijooyinka ay gaareen ay bedeli karto wadada loo eego darajada jaamacadeed ee qoysaska dekhligoodu hooseeyo iyo kuwa uu dakhligoodu aadka u sarreeyo.

Khabiirka dhaqaalaha ee Jaamacadda New York University Kevin Thom oo daraasaddan diyaariyay ayaa caddeeyay in : “Arrintani ay meesha ka sarreyso wixii horey loo aaminsanaa ee tilmaamayay iney jiraan kala duwanaanshiyo dhanka genome-ka ardayda taajiriinta ah iyo kuwa ka soo jeeda qoysaska faqiirka ah.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Haddii aaney  qoysku haysan ilo dhaqaale oo aan ku filan, xitaa caruurta caqliga badan, waxey geli doonaan dagaal adag oo dhanka nolosha waxbarashada ah ku saabsan.”

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close