arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daawo Waxa uu Dhakhtar Ka Soo Saaray Sanka Qof Vietnam U Dhashay!

Waxaa aad u faafay muuqaal dhakhtar uu makhluuq nool ka soo saaraya sanka qof ku nool gobolka Lao Cai ee dalka Vietnam.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail, muuqaalkan ayaa aad uga yaabiyay dadka Internet-ka isticmaala, waxaa loo qaateen noqon weyday xayawaankan sanadka laga soo saaryo sida uu u weynaa, waxa uu ku jiray inta u dhaxaysa afka, sanka, dhagaha iyo hunguriga.

Muuqaalka ayaa muujinaya sida uu dhakhtarku uga soo saarayo, xayawaankan sidii mas yar oo Cobra ah aad u shabbaha, oo isagoo nool laga soo saarayo gudaha sanka, waxa uu isku dayayaa inuu weeraro maqaskii lagu soo saaray oo uu isku duubayo.

Marka dhakhtarku uu howshiisa ku guuleysto, ayaa bukaankii waxaa ka soo fuqaya qosol layaab iyo farxad iskugu jira, laakiin dhakhtarka uma aanuu sheegin sababtii xayawaankan sidan u weyn uu sankiisa ku galay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close