WararkaWaxbarashada

Markii Ugu Horreysay Xayawaan Ay Iska Dhaleen Labo Lab oo Dhadig Laga Maarmay!

Koox Saynisyahanno Shiineys ah, ayaa waxey ku guuleysteen iney Jiir yar ay ku dhaliyaan macmalka, kaas oo labo lab ah ay iska dhaleen, iyadoo aan loo baahan dhadig, arrintan oo ah markii ugu horreysay ee albaabada loo furo tijaabooyin tan ka sii ballaaran.

Sida uu qoray webiste-ka “sciencenews” ee wararka cilmiga lagu soo qoro, cilmi-baarayaashan ayaa soo uruuriyay (Stem Cells) labo aabbo oo ay ka dhaliyeen ilma yar(Embryo) oo lagu beeray riximka hooyo aan howsha bacnarimta shaqo ku lahayn, tijaabadan ayaa lagu guuleystay oo waxaa ka dhashay jiir dabiic ah, laakiin isla markii uu dhashay maalmo kadib ayuu geeriyooday.

Tijaabadan ayaa meesha ka saartay natiijooyin lagu sheegay cilmi-baarisyo hore oo meesha ka saaray suuraggalnimada in labo lab ay kaligood wax dhalin karaan iyadoo la isticmaalayo shaybaarka iyo Stem Cells-ka.

Saynisyahannada ayaa daraasaddan u sameeyay si ay u hubiyaan in naasooleyda ay awood u shaan iney ku tarmaan habka rag kaliya ama dumar goonni ah ay kaligood ku tarmi karaan, si la mid ah xawaanka lafdhabarta leh ee doorada (Turkey) la yiraahdo iyo libaax badeedka, waa sida ay sheegtay haweenayda cilmi-baaraha ah oo ka tirsan saynisyahanaddii tijaabadan sameeyay oo la yiraahdo Qi Zhou oo ka tirsan Chinese Academy of Sciences oo fadhigeedu yahay Beijing.

Waxaa xusud mudan, in saynisyahanno ay horey ugu guuleysteen iney DNA lab kaliya oo ka tirsan kalluunka nooca (Zebra) ay caruur uga dhaliyeen, tijaabadan cusub ee dambe ee dhanka jiirka(dooliga), laga sameeyay, ayaa ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo ilmo looga dhaliyay wadadan cusub.

Maandeeq FM

Related Articles

Close