WararkaWaxbarashada

Haraadiga Ilma Yar oo “Vampire” Ah oo Laga Helay Dalka Taliyaaniga

Koox Saynisyahanno ah oo iskugu jira Taliyaani iyo Mareykan oo dagalbaarka ku takhasusay ayaa helay qabri qadiimi ah oo ka tirsan gobolka Umbria, ayaa helay haraadiga canug yar oo la aaminsan yahay inuu cudurka duumada u geeriyooday, ilmahan yar ayaa la aasay isagoo afka dhagax loo geliyay, waana astaan lagu yaqaanno aaska dadka dhiigga miirta ee Vampires-ka loo yaqanno.

Sida lagu soo qoray website-ka jaamacadda Arizona State University, koox saynisyahnno ah oo dagalbaar ka sameeyay qubuuro caruurta lagu aasi jiray qarnigii 5aad ee miilaadiga oo ku taalla magaalada yar ee Luniano-en-Tiferna ee dalka Talyaaniga, ayaa sida ay khubaradani sheegayaan, dadka deegaanka waxey aaminsanaayeen marka qofka uu cudurka duumada uu u geeriyoodo in afka lagaga awoi dhagax, “Si aanu mar kale u soo laaban oo dadka nool aanuu cudurka ugu faafin!”.

Saynisyahanka dagalbaarka ku takhasusay kana tirsan jaamacadda Arizona, Professor David Soren, ayaa yiri: “Waxan oo kale weli lama aanan kulmin. waa arrin aanan maleysaneyn, waxey u yaqaannaana (Vampire Luniano).”

Khubaradan ayaa aamisan in qubuuraha Luniano-en-Tiferna ay ka mid yihiin qubuuraha naadirka ah in iyagoo kale la arko, marka laga eego dhanka xilligooda oo horreeyay, waxaa lagu arkay caruur badan oo siyaabo kala duwan oo la yaab leh lagu aasay, kuwo xayawaan ama dhagaxaan ku ku lug xiran oo lala aasay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close