WararkaWaxbarashada

Ilkaha oo Lakab Loo Yeelo Isha oo La Iska Leefo Xilliga Salaanta..Caadooyin La Yaab Badan oo Model u Ah Dhalinyarada Japan

Dalka Japan waxa uu ka mid yahay dowladaha dabeecadaha gaarka ah leh dhammaan dhinacyada kala duwan ee nolosha, fanka iyo howlaha hal-abuurka leh ee gaarka ah u ah darteed, waxey dadyowga kale uga duwan yihiin maskaxda furan iyo hal-abuurkooda aan xududuudda lahayn, dhalinyarada dalkaasi waxey leeyihiin model ay kolba noloshooda ku soo kordhiyaan, hadaba; waxaan idiin soo gudbineynaa caadooyinka ku cusub dhalinyarada dalkaasi oo la yaabka leh xilliyadii dambena lagu arkayay, taas oo marka dambe isku bedeshay model lagu daadsan yahaya.

1- Yaeba: Ma ilko qurxinbaa mise waa foolxumeysiin

ilkaha dadka qaar waxaan ku aragnaa xarig xoojiya ah oo loogu talogalay in ilkaha lagu toosiyo, si ay ugu ekaadaan kuwo siman oo soo jiidasho leh, waa arrin ku faafsan daafaha kala duwan ee dunida, laakiin sannooyinkii la soo dhaafya (Yaeba), model cusub ayay noqotay.

Sanadkii 2011 ayaa dalka Japan waxaa ka soo baxay model cusub oo dumarku ay ku daateen, loona bixiyay magaca «Yaeba», waxey ka dhigan tahay in ilkihii lakab loo yeelo, miciyaha bannaanka la soo dhigo, si shabbahda Vanpires-ka oo kale, waxaa la bedelayaa qaabkii ilkaha oo miciyaha dibadda la soo dhigayo.

Model-kan ayaa bilowday, kadib markii dumar badan ay isku dayeen iney isku ekaysiinaan gabadha dharka xayaysiisa ee reer Japan ee Tomomi Itano oo shacbiyad ballaaran leh, ilkaheeduna ay lakab yihiin.

2- Isha oo la iska leefo

In isha (Bulbus oculi-keeda) la isla leefo.. marka la isa soo dhaweynayo

In la isa salaamo ama laabta la is geliyaa, waa waddooyinka caadiga ah ee la isla yaqaanno, laakiin dhalinyarado marwalba waxey leeyihiin model cusub oo ay soo hindisaan oo ay kaga soocan yihiin dadka qaangaarka ah.

Sanadkii 2013 waxaa soo baxday caado cusub oo qofka dhalinyarada ah uu leefayo isha qofka ay saaxiibka yihiin xilliga ay isla salaamayaan ama ay isa soo dhaweynayaan, caadadan ayaa dhalisay caabuqyo kala duwan oo dhlinyarada qaarkooda ay indha la’aan ka qaadeen.

Caadadan ayaa banaanka u soo baxday oo lagu baraarugay khatarteeda kadib markii cam

3- Keeg lagu sawirayo Wejiga

Sanadkii 2012, filim documentry ah oo laga duubay ee ay soo saarto National Geographic, ayaa lagu muujiyay caado ay ku daateen dhalinyaro badan oo keeg lagu sawirayo wajahadda hore ee wejigooda oo lagu muujinayo sida Sawirka keeg ah oo ay u bixiyeen “begel heads” , qofka dhinac ka mid ah wejigiisa ayaa lagu sawirayaa doolsho, maadada lagu sawiro ayaa ah maaddo milmaysa oo qofka 16 -24 saacadood inta u dhaxeysa jirkiisa ku sawirmaysa kadibna iska milmaysa oo madaxii sidiisii hore ayuu ku soo laabanayo muddo ka dib.

4- Byojaku

Is-foolxumeyn, waa model cusub oo dalka Japan ka soo baxay, wejiga qofka ayaa loo muujinayaa sidii qof buka oo daciif ah, waxaa indha hareerahooda waxaa la marinayaan casaan dilan, indhahana wax indhakuul ah ma marinayaan; si wejiga gabdha loogu ekaysiiyo sidii iney xalay oo dhan dhafarsaneyd oo ay ooyaysay; iyagoo arrintaa uga golleh in muuqaalkaasi uu soo jiidasho ku soo kordhinayo qofka dumarka ah.

Caadooyinka dhalinyarada dalka Japan intaa un kuma eka, sanadkii 2016, gabadha jilaaga ah ee reer Mareykan ee la yiraahdo “Kristen Stewart”, ayaa Cannes Film Festival ku aadday, iyadoo Cosmetics ay dumarku isku qurxiyaan u soo marsatay habka “Byojaku” ee is foolxumeynsiinta, iyadoo markaa wixii ka dambeeyay dadka caanka ah ay ku daateen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close