arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sawir Selfie ah oo Nolosha Dhaafiyay Haweenay Dhalinyaro Ah

Qof dumar ah ayaa nafteeda ku weyday kadib markii ay ka soo dhacday dabaqa 27aad dhisme aad u dheer oo ku yaalla dalka Portuguese-ka, xilli ay isku dayaysay iney sawir Selfie ah iska qaaddo.

Jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda oo soo xiganaysa jariidada Portuguese-ka ah ee “O.Menho”, ayaa xustay in gabadhan oo la yiraahdo Sandra Manuela Da Costa Macedo, oo 27 jir ah ay isku dayday iney dariishada qolkii ay ku jirtay ay korto si ay sawir selfie ah ay iskaga qaaddo.

Muuqaalka laga soo qaaday ayaa muujinaya in weli ay gacanteeda ku jirto usha sawirka selfie-ga ah la iskaga qaaddo xilli ay dhulka taallo, waa markii ay soo dhacday kadib.

Muuqaalka waxaa laga maqlayaa qeylada qof muuqaal ka duubayay “Sida ay wax u socdaan waa si waalli ah, wey sii dhacaysaa.. fiiri, wey dhacday.”

Waxaa xusud mudan, in shaqaale dhismo oo meel u dhow jooga ay ku qeyliyeen inaaney dariishadda korin oo derbiga dariishada ay iskaga degto, laakiin dabeylo xooggan oo xilligaa socotay ayaa u diiday iney maqasho digniinaha la siinayay.

Isla markiiba waxaa goobta u soo degdegay shaqalaha gurmadka degdegga ah, dhismahan ay gabadhu ka soo dhacday ayaa loo yaqaannaa Luxor Tower waa xaafad ay dadka shacabka ah deggan yihiin oo ku yaalla magaalada Panama oo loo yaqaanno El Cangrejo, kadib markii ay dadka deegaanku ku wargeliyeen.

Haweenaydan ayaa dhawaan un soo gaartay Panama, haweenay kale sheegtay iney saaxiibteed ahayd ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in ay ahayd hooyo laba caruur ah dhashay, magaalada ay u soo gaartay si ay uga shaqeyso macallinimo, shaqaalaha gurmadku markii ay goobta soo gaareen mayd ayay ahayd.

Maandeeq FM

Related Articles

Close