arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gooryaan Dhirirkiisu Yahay 15 Cm oo Laga Soo Saaray Isha Oday Waayeel ah (Muuqaal)

Dhakhaatiir ayaa goornaayaan Dheer ka soo saaray isha oday deggan gobolka Karnataka ee dalak India.

Odaygan oo 60-jirka ah kuna nool koonfur galbeed India, ayaa aaday isbitaalka Kundapur, kadib markii uu isku arkay in ishiisa midig ay wax dageen isla markaana ay ku adag tahay inuu wax ku arko.

Dhakhtarkii baaray, ayaa waxa uu ku arkay gooryaan isha dhex deggan, waxa uu go’aansaday inuu ka soo saaro, haddii kale ninkan odayga ah ishiisa uu ku beeli karo.

Dhakhtarka qalliinkii ayuu ku fuliyay isha odaygii waayeelka ahaa, isagoo habkii uu uga soo saarayay uga duubay kaamiro, odayga ishiisiina waxaa laga soo saaray gooryaanka isla markiiba lagu riday caag yar oo dhakhtarka lagu sii ag diyaariyay, markii la qiyaasay waxaa la ogaaday inuu 15 cm le’eg yahay.

Sida muuqata odayga waxaa ku dhacay dullinka loo yaqaanno (Wuchereria bancrofti), kaas oo ku faafsan Latin America iyo labada badweyn ee Pacific iyo India Ocean.

Ugxanta dullinkan ayaa soo raacda dhiigga, waxey ka timaadda qaniinyo kaneeco, waxaa laga qaadaa cudurka la yiraahdo Elephantiasis ee qofka bukaanka ah uu ka bararo lugaha, xubinta taranka iyo qeybo kale oo jirka ka tirsan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close