arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Mayweather oo Aqbalay Inuu La Feertamo Xabiib Maxamadoof.. Kulan Noqonaya Mid “Khasaare” Taariikhi Ah

Feeryahanka reer Mareykan ee Floyd Mayweather, ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay challenge uu ku dhawaaqy ninka dhawaan ku guuleystay feerka miisaanka fudud ee Xabiib Nuur Maxamadof, dhacdo noqoneysa mid aad u xiiso badan oo dunida si weyn looga wada sugayo.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail, feeryahanka reer Mareykan ee 41-jirka ah, waxa uu aqbalay inuu dagaal la galo feeryahan Xabiib oo bishan Ocober ka guuleystay feeryahanka Irishka ah Conor McGregor, oo kaga adkaaday dagaal caan noqday oo ka dhacay magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.

Mayweather ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray: “Waxaan ugu baaqayaa warbaahita ugu tunka weyn iney Checkbook-gooda soo saaraan, Xabiib ayaan la dagaalamayaa. Las Vegas mar kale aan ka dhigno mid cajiib ah”

Leonard Ellerb oo ah ninka wakiilka feeryahanka reer Mareykan ayaa bartiisa Instagram-ka ku soo qoray, Xabiib waxa uu feer ugu baaqay feeryahan ka adkaaday McGregor August hore.

feeryahanka reer Ruush oo dhawaan uu la kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa isagoo qoslaya waxa uu yiri: “Haye Floyd, waxaa la gaaray xilligii aan feertami lahayn.”

Waxa uu intaa sii raaciyay “50 ciyaarood oo aan midna laga adkaan iyo 27 dagaal oo marna dhiniciisa dhulka la dhigin..labo qof  oo aan weli khasaaro dhadhamin..dagaalka u diyaargarow..hagaag duurkan waa in hal-boqor oo qura uu ku noolaado..anigaa ah boqor.. ma aanuu awoodin inuu McGregor uu dhulka dhigo, aniguse waan sameeyay, si fudud, sidaa darteed waa inaan feertannaa.”

Waxaa xusud mudan, in feeryahanka reer Mareykan ee Floyd Mayweather uu ka qeybgalay 50 feer oo xirfadlayaal miisan kasta leh uu la galay, halka uu xabiib ka qeybgalay 27 kulan oo musaaraco ah oo xirfadlayaal sare uu la ciyaaray, midna kuma aanuu guuldarreysan, arrintaas oo ka dhigan in kulanka la filayo uu noqon doono mid khasaare taariikhi ah oo tii ugu horreysay ay ku noqoneyso kalba feeryahanka laga adkaado..

Ma kala cadda in challenge-gan uu Xabiib doonayo in uu kula tartamo feeryahanka reer Mareykan Floyd Mayweather, in loo raacyo nidaamka musaaracada furan ee waxwalba la ogolyahay ama inuu noqon doono mid nidaamka (Boxing) loo raaco sida; kii taariikhiga ahaa ee dhex maray Mayweather iyo McGregor.

Maandeeq FM

Related Articles

Close