arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Casho Qiimaheedu Noqday 80-kun oo Dolar.. Wax Ka Ogow Waxyaabihii Ay Ka Koobneyd iyo Goobtii Ay Ahayd!

Casho hotel Shanghai ku yaalla ay ka cuneen wiil uu dhalay ganacsade caan ah iyo 7 qof oo kale oo la socotay , ayaa dood badan ka dhalisay Baraha-bulshada, kadib markii qiimiheedu uu gaaray ($79,733), lacag ku dhow 80-kun oo dolar.

Jiang , ayaa bartiisa bulshada ku faafiyay sawirka warqaddii lacag bixinta cashada iyo sawirka cunnooyinkii kala duwanaa ee miiska loosoo saaray.

Sida uu qoray website-ka Asia One, Cashadan ayaa ka koobneyd, maraq, dib Yaxaas!, iyo noocyo kala duwan oo ka mid ah cunnooyinka badda ee ugu cajiibsan uguna qaalisan adduunka, waxaana miiska la iskugu keenay in ka badan 20 saxan oo iskugu jira cunto qaboob iyo mid kulul.

 

Shaqaalihii ka adeegayay cunto geynta ayaa khidmad ahaan u qaatay 6-kun oo dolar.

Cashadan waxaa cunay Jiang Xin, wiilka uu dhalay gacansadaha caanka ah Jiang Quanlong oo ah maamulaha shirkadda “China Rare Earth Holdings.”

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close