arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Kulan U Socday Shaqaale Banki oo Mas Weyn Uu Kasoo Dul Dhacay (Muuqaal)

Xilli ay shir ku jireen shaqaalaha mid ka mid ah Bankiyada gudaha dalka Shiinaha, ayaa waxaa ku soo dul dhacay mas weyn, iyagoo joogay meel aan mas laga filayn.

Muuqaal ay duubtay kaamarada qolka ayaa muujinaya xilliga shaqaalah Bankiga Shiineys ah uu ku soo dul dhacayo mas 1.5 mitir ah, halka shaqaalihii marka ay arkeen maska ay goobtii ku kala carareen, maska ayaa miiskii shirarka hoos galay oo gudihiisa isku qariyay.

Waxaa loogu yeeray shaqaalaha daryeelka xayawaanka qeybta masaska, maskii waa laga saaray bankiga, bankigu shaqadiisii caadiga ahayd ayuu dib u bilaabay.

Waxaa xusid mudan, xayawaanaadka la qabto gudaha dalka Shiinaha in la geeyo xarun noolaha duurka ee magaalada Nanning oo lagu xanaaneeyo.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close