arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Selfie-ga Dilaaga Ah.. Imisa Qof Ayaa Naftooda Ku Waayay Iyagoo Raadinaya “Sawir” Saameyn Ku Yeesha Baraha-bulshada?

Jariidada  “The Washington Post” ee dalka Mareykanka ka soo baxda ayaa daraasad ku soo bandhigtay in 259 dhimasho ah oo selfie uu sabab u haya ay ka dhaceen daafaha kala duwan ee adduunyada intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2017.

Xaaladaha biyaha lagu dhex geeriyooday ayaa galay kaalinta koowaad, waxaa ku soo xiga shilalka gaadiidka, waa sida ay jariidadu sheegtay.

Shilalka, sidoo kale, wey kala duwanaayeen, waxaa ka mid ahaa; dhacdooyin xaywaanka weeraray dad Selfie-ga la gali lahaa, kuwo ay koronto ku dhagtay, qaar ay xabbad ku dhacday, dhacdooyinkaas oo laga dhowrsan karay haddii selfie la iska qaadayaa aanuu jirin.

Dalka India ayaa noqday dalka dadka ugu badan ee tirakoobka la sameeyay ee dhimashooda ay selfie-ga ugu badaneyd, waxaa ku xigay Ruushka, Mareykanka iyo Pakistan.

Sida lagu sheegay maqaalka uu wargeysku qoray, 85% dadkii dhintay, da’doodu waxey u dhaxeysay 10 ilaa 30-sano.

Dowlado badan ayaa ku dhawaaqay iney la dagaalami doonaan selfie-ga goobaha khatarta ah lagu galo, wadamada ol’olahaa ku dhawaaqay waxaa ka mid ah India, Rasia iyo  Indonesia.

Dalka Ruushka tusaale ahaan, waxaa xilli sii horreysa lagaga dhawaaqay ol’olaha “Selfie ammaan ah” oo hal-ku-dhaggiisu yahay yahay “Hal-milyan oo Like oo aad ka hesho Baraha-bulshada, waxaa kaaga qiimo badan noloshaada iyo nabad qabkaaga.”

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close