arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ubaxa Ugu Weyn Adduunka oo Albaabada Loo Furayo Gudaha Dalka Ingiriiska

Beerta Boqortooyada Kew Gardens ee gudaha London, ayaa waxaa ka qabsoomaya dhacdo naadir ah oo aad cajiib u ah, waxaa dadka loo furayaa ubaxa ugu weyn uguna urta qarmuun Adduunka.

Ubaxan oo ka tirsan nooca Amorphophallus titanum oo dhirirkiisu gaarayo 3 mitir, ayaa waxa uu leeyahay urta ukun baqday iyo kalluun hallaabay oo la isku daray. sidaa darteed waxaa loogu yeeraa “Ubaxa maydka”, ubaxan ayaa waxa uu galay buugga dhacdooyinka adduunka ee Guinness World Records.

Xididka ubaxan oo miisaankiisu yahay 50 Kiiloo, ayaa laga cunaa Deegaan ay dagan yihiin dadka Indo-Chinese ka ah.

Ubaxan ayaa la daahrogay sanadkii 1878, waxaana laga helay kaymaha galbeedka jasiiradda Sumatra ee ku taalla badweynta India, laakiin hadda wey ka dabargo’day meelo badan, waxaa naadir ah inaan kaymaha caadiga ah aan ku aragno, ubaxan inta badan waxaa lagu beertaa beeraha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close