WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka Turkiga Kala Hadlay Aqoonsiga Jaamacadaha Dalka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo safar shaqo ku jooga Dalka Turkiga oo uu wehliyo danjiraha safaaraadda Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Maxamed Caydiid iyo Uqeybsanaha  waxbarashada ee Safaaradda  Cabdicasiis Cabdiraxmaan Xasan  ayaa kulan la qaatay Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (YOK) .

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee SONNA, wasiirka ayaa  sheegay in uu ka la hadlay guddoonka guddiga YOK Aqoonsiga  jaamaacadaha dalka Soomaaliya oo aysan horay u aqoonsanayn qaar kamid ah Jaamacahadaha oo ardayda ka soo baxda aan loo oglaan iney waxbarashada sare ka sii wataan gudaha Turkiga.

Sidoo kale waxey ka wada hadleen gudoonka guddig arrimaha ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga oo ay saamaynta ku yeelatay afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga 2016, in ardaysaas la siiyo deeqo waxbarsho si ay usii wataan waxbarashadooda .

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta sare  Cabdullaahi Goodax Bare ayaa ka codsaday in Gudoonka Guddiga  YOK ay tababaro siiyaan macalimiinta dugsiyada Sare ee farsamada, sida dugsiga sare ee farsamada gacanta ee korantada ,xanaanada xoolaha ,beeraha iyo  kaluumaysiga oo hadda lagu howlan yahay sidii dib loogu hirgelin lahaa.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close