CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Waxaa Laga Helaa Hilibka Abeesada.. Wax Ka Ogow Daawada Loogu Isticmaalka Badnaa Adduunka


Dadka qaar waxey u haystaan in daawooyinka casrigan ay gaareen halkeeda ugu sarreeya ee dhanka la dagaallanka cudurrada, dadkii inagga horreeyayse waxey soo hindiseen daawo noqotay tan ugu isticmaalka badneyd taariikhda, marka laga eego isticmaalkeeda oo dhowr Qarni oo xiriir ah taagnaa, sumacadeeda iyo iyadoo lagu daaweyn jiray cudur kasta noocuu doonoba ha noqdee.

Daawada “Triaca”( ama terìaca), waxa ay ahayd daawada ugu falgalka fiican ugu waxtar wanaagsan uguna adeegsiga badan xilliyadii hore, waxaa soo hindisay Mitridate lV, boqorkii del Ponto(Qarnigii koowaad ee miilaadiga ka hor), waxa uu ka baqayay in la sumeeyo, diyaarinteeda waxa uu u xilsaaray dhakhtarkiisa gaarka ah, si uu u soo saaro daawo awood badan oo sun kasta lagula dagaalami karo.

Daawadan ayaa cunisteedu u baahneyd geesinimo dheeraad ah, waxey ka koobaneyd 50 dhir oo geedo kala duwan laga soo gooyay, waxaa ka mid ah, dacar, luubaan, sactar, qorfe…abeeso-lugaaleyl, waxaana lagu cabbayaa malab si uu qofka ugu fududaato inuu cabbo.

Qarnigii koowaad ee miilaadiga, boqorkii Roomaanka ee Nerone ayaa waxaa soo waajahday baqdin uu ka baqo in la sumeeyo, waxa uu ka codsaday dhakhtarkiisii Andromaco inuu daawo dhammeystiran oo uu sunta kaga hortago u sameeyo, dhakhtarkani dawadii hore ee Triaca, waxa uu ku daray 10 waxyaabood oo kale oo ay ku jiraan opium iyo hilibka abeesada.

Daawadana ayaa sidaa u soo jiitamaysa loona isticmaalayay daaweynta cudurrada kala duwan muddo 18-qarni ah, dhakharkii caanka ahaa “Galen” aad buu u ammaanay dawadan, dhakhtarkan waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirtii ugu saameynta badnaa taariikhda.

Sumacadda daawadan ayaa dhulka gashay qarnigii 18aad, xilligaas oo daacuun ay dadbadani ku dhammaadeen uu ka dillaacay Yurub , dhakhatarka caanka ahaa ee “William Heberden” oo xilligaa maqaal qoray ayaa daawadan ku tilmaamay inaaney waxtar lahayn, qofkana ay dhidid un ay ka keenayso, arrintaas oo keentay in daawadaa isticmaalkeeda la iska joojiyay.

Xilliga aan maanta joogno, waxaa caddaatay in waxyaabihii ay daawadaasi ka koobneyd, shayga faa’iidada ka lahaa uu ahaa “Opium” oo laga helo maadada Morphine oo xanuun baabi’iye ahaan loo isticmaalo isla markaana  qufaca joojisa, laakiin xaqiiqada laga ogaaday waxey noqotay inaaney sunta la dagaallamin, halka waxyaabaha ugu muhiimsan ee dawadani ka kooban tahay ee hilibka abeesadu uu ka mid ka yahay aan la helin wax daawo ah oo ay leedahay.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close