WararkaWaxbarashada

Markii Ugu Horreysay.. Robot Su’aalo Lagu Weydiiyay Gudaha Baarlamaanka Ingiriiska

Robot ayaa looga yeeray golaha guud ee baarlamaanka Ingiriiska, si su’aalo looga weydiiyo arrimo ku saabsan garaadka smarts-ka ah iyo suurtagalnimada in kan aadanaha lagu bedesho, kulan uu soo qaban qaabiyay guddiga baarlamaanka ee arrimaha waxbarashada, dhacdo noqoneysa tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah ee ka dhacda gudaha dalka Ingiriiska.

Guddiga waxbarashada ayaa ku casuumay robot-ka PEPPER, si uu hadal uga jeediyo kulan ay koox macallimiin iyo arday lagu casuumay, aqalka baarlamaanka Ingiriiska oo looga doodayay mustaqbalka garaadka Smarts-ka ah iyo dhibaatooyinka uu mustaqbalka yeelan karo.

Markii hadalka la siiyay, Robot-ka waxa uu soo dhaweeyay dadkii kulanka joogay wuuna is-baray, waxa uu hadalkiisa sii raaciyay inuu deggan yahay jaamacadda Middlesex ee dalka Ingiriiska.

Mar uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay, suurtaggalnimada in garaadka robot-ka lagu badasho kan aadanaha, ayaa waxa uu guddiga u sheegay: “Robot-ka waxa uu leeyahay kaalin wanaagsan, laakiin marna lagama maarmo awoodaha maskaxeed ee aadanaha.”

Markii uu su’aashaa ka jawaabay PEPPER, waxa uu dhageystay dadkii shirka joogay, isagoo madaxa ruxaya, qof kasta oo hadlayana dhankiisa u jeesanaya.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close