TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Muraayad Smarts Ah oo Kuu Soo Bandhigeysa Quruxdaada.. Dumarkana Makeup-ka u Saxaysa (Muuqaal)

Teknoolojiyada casiriga ah marba marka ka dambeysa wey sii horumareysaa, haddii aad dooneyso inaad quruxdaado ogaato, waxaad u baahan tahay inaad soo iibsato muraayad smarts ah oo habka ugu quruxoon ku tusaysa marka aad isku daawaneyso.

Muraayaddan casriga ah ayaa loogu yeeraa  “Novera Smart Mirror“, waxaana loo sameeyay si marka aad isku daawato aad dareemayso qanacsanaan dhanka nafta ah, maadama ay quruxdaada bannaanka soo dhigeyso oo ay kuu muujineyso habka ugu quruxoon ee aad u muuqan karto.

Muraayaddan ayaa qiimaheedu yahay £400 pound, waxeyna hadda diyaar ku tahay dalka Japan oo qofkii doonaa uu ka dalban karo.

Waxey si rasmi ah suuqyada adduunka u soo gaari doonta sanadka 2019, waa sida uu qoray website-ka rasmiga ah ee shirkadda muraayaddan soo saartay.

Muraayaddana ayaa waxaa la socoda, qalab kuu sheegaya marka ay cillidi ku timaaddo muraayadda halka laga haystana kuu tilmaamaya!.

Khubarada muraayaddan sameeyay ayaa sheegaya in howlgudashadeedu uu marba marka ka dabeeya sii hagaagayo, waa marka ay wejiga qofka isku daawada ay la qabsato.

Sidaas oo kale, dumarka waxey ka garabsiineysaa nooca makeup ka ay u baahan yihiin, waxaa la socda iftiinka (LED) oo si wanaagsan dhabannada u muujiya.

Fikradda aasaasiga ah ee muraayadani ku dhisan tahay ayaa ah in wejiga quruxdiisa ay soo saarto, goobaha gabowga ay muujiso si maalinle ah, ku darso qofka isticmaala waxey baraysa sida uu wejigiisa u dabcin karo.

Waxaa xusid mudan, in muraayaddan lagu heli karo luqadda Japan oo qura, waxaan kala caddeen in qorshaha shirkadda uu yahay iney luqado kale ku sameeyaan iyo in kale.

Maandeeq FM

Related Articles

Close