arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

13 Dumar ah oo Isku Baheystay Kana Aargoostay Nin “Aids” Qaadsiiyay

Haweynay Mareykan ah ayaa jeclaatay nin 50-jir ah, waxeyna la nooleyd muddo 4-sano oo xiriir ah oo uu ku qaadsiiyay cudurka Aids-ka iyada iyo 12 haween ah oo kale oo noloshiisa soo maray.

Markii ay muddo isla noolaayeen ayaa Diane Reeve ay aragtay isbedel ku yimid dhaqanka jacaylkeeda Philippe Paddieu, xilliga uu guriga ku soo laabto.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa u suuragashay iney aragto liiska dadka uu la xiriiro, maadama lacagta taleefoonkiisa ay bixiso, waxey ogaatay inuu xiriir la leeyahay laba dumar ah oo kale, arrintaas oo ku riixday iney xaqiiqada dhabta ah waajahdo.

Markii ay arrintaasi dhacday, Philippe Paddieu, waxa uu eedda dusha ka saaray Diane oo uu ku yiri; waxwalba adigaa mas’uul ka ah, arrintaas oo keentay iney goosato iney gabi ahaanba xiriirka ka goosato oo ay kala tagaan.

Markii kala tagga uu maalmo un ka soo wareegtay ayaa waxey damacday iney baaritaan guud isku sameyso caafimaadkeeda, xaqiiqo argagax leh ayaa natiijadii baaritaanka uga soo baxay oo tilmaameysa in cudurka Aids ee dilaaga ah uu ku dhacay.

Diane Reeve isla markiiba waxey ka shakisay in qofka cudurka qaadsiiyay uu Philippe ahaa, waxey dib ugu laabatay liiska gabdhihii ay horey xiriirkooda u heshay ee Phillippe la socday, waxeyna u digtay dumarkaa si ay uga dhowrsadaan khatarta cudurka dilaaga ah ee uu faafinayo.

Dadaalkeedii dhab ahaan wuu mirodhalay, waxey heshay labo dumar ah oo xiriir la lahaa oo cudurka laga helay, arrintaas oo keentay in dumarku ay isku xulafeystaan, waxey warbixin u dhammeystiran u geeyeen booliska oo sheegay in saddex xaaladood oo kaliya aaney ku filleyn si dacwad loogu oogo, waxeyna ka diideen iney wax fayl ah u furaan, halka dumarkii ay caddeyn kari waayeen in Philippe uu Aids qabo iyo in kale.

Diane, intaa kuma aaney harin waxey goosatay iney baaritaankeeda xoojiso, waxey isku dayday iney la xiriirto haweenay kasta oo loogu sheegay iney maalin xiriir la yeelatay Philippe, waxaa u suuraggashay iney hesho 12 dumar ah, oo ka mid ah kuwii uu Aids-ka qaadsiiyay.

Si ay ku helaan, dhiiggiisa una xaqiijiyeen inuu Aids qabo iyo in kale, ayaa waxey la xiriirtay xarun caafimaad oo philippe uu qalliin ku galay, xilli kaliyihiisa laga sifaynayay dhagaxaan, waana sanad iyo bar ka hor, halkaas oo ay ka caddaatay in viruska uu dhiiggiisa ku jiro.

13 dumarka ahaa oo wada socda ayaa marqura abbaaray xaruntii  booliska, natiijada baaritaankii ay sameeyeen ayay farta ka saareen, Philippe waa la qabtay markan, maxkamadda ayaa loo dhaadhiciyay, taas oo dhankeeda go’aan ku gaartay in la xiro 45-sano, iyadoo lagu helay qodobka xadgudub khatar ah isagoo adeegsanaya hub dilaa ah (Dhiigiisa viruska ku jira).

Maandeeq FM

Related Articles

Close