WararkaWaxbarashada

Shirka Xirfadleyda Teknoolojiyada oo Ka Furmay Muqdisho… Soomaaliya oo Halka Ugu Hoosaysa Ka Gashay Liiska Dalalka Isticmaalka Internetka

Magaalado Muqdisho waxaa ka furmay shirka xirfadleyda teknoolojiyada Soomaaliya ee Network Operators Group (SomNOG), kaas oo isku keenay khubarada internetka, shirkadaha ka ganacsada internetka, bahda waxbarashada iyo dadka daneeya arrimaha internetka Soomaaliya.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin sida loo dhisi karo xarunta isku xirka internetka ee “IXP”, hirgelinta IPV6, sida ay shirkaduhu u wadaagi karaan qalabka is-gaarsiinta iyo shuruucda internetka iyo maamulkiisa.

Guddoomiyaha SomNOG, Eng. Axmed Siyaad  ayaa sheegay in waxqbadkii ugu weynaa ee ay sameeyeen ay ahayd iney kor u qaadaan wacyiga dalka isla markaana uu abuurmay kacdoon dhanka teknoolojiyada ah:

“Afartii sano ee hadda SomNOG ay jirtay, waxa noo qabsoomay waxaa ugu weynaa in wacyiga iyo ahmiyadda is-gaarsiinta iyo teknoolojiyada kor loo qaaday, in la tababaray enjineerro iyo xirfadley Soomaaliyeed oo loo tababaray internetka kuwaas oo gaaraya illaa 170, iyo in uu abuurmay kacdoon dhanka teknooliyada iyo is-gaarsiinta ah.”

Maareeyaha hay’adda isgaarsiinta qaranka Cabdi Sheekh Axmed oo shirka ka qeybgalay ayaa ka hadlay in Soomaaliya ay ka mid tahay saddexda dal ee ugu hooseeyaa dhanka isticmaalka adeegga Internetka ee dalalka adduunka:

“Internetka iyo aqoonta xirfadaha dowrka ay ku leeyihiin dhaqaalaha Adduunka, waxaan noqonnay waddanka saddexaad ee ugu hoseeya dhanka internetka, taasna waxaa keenay ku xirnaanshiyaha adduunka oo inagu yar, dadkii oo aanuu wada gaarin, iyadoo qiimaha internetka uu qaali yahay, waxyaabaha loo baahan yahay in aad looga shaqeeyo.”

Si kastaba, shirkan ayaa isla maanta lasoo gabagabeynaa, iyadoo dhalinyaradii ka soo qeybgashay qaarkood ay fursad u heleen tababar ay SomNOG soo qabanqaabisay oo 5 maalmood u socday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close