WararkaWaxbarashada

Wiil Dhalinyaro Ah oo Ay u Suurtagashay Inuu Nus-milyan Dolar Faa’iido Ah Bil Kasta uu Ka Helo Game-ka “Fortnite”

Laacib dhanka Game-ka computerka xariif ku ah oo la yiraahdo  Richard Tyler Blevins oo dhanka laacibiinta game-ka computer-ka looga yaqaanno Ninja, dakhli bille ah oo gaaraya 500 oo kun oo dolar, waxaana uu ka helayaa ciyaartiisa Fortnite oo uu xariif ku yahay.

Ciyaartan ayaa waxey soo caanbaxday markii ugu horreysay 2017, waxeyna booska ka riixatay ciyaaro badan, iyadoo noqotay tan ugu caansan ee si koox ah looga ciyaaro adduunka, waxey gashay goobaha Playstation gemeska lagu cireeyo, guryaha iyo meel kasta illaa ay ka noqoto in koobab looga dhigo ciyaaryahannada daafaha kala duwan ee adduunka, si ciyaar dhabta ah oo kale.

Richard oo 27 jir ah, waxey lacagtu ka soo gashaa dhanka “Twitch“, oo la isku dhaafsado muuqallada Games-ka gaar ahaan, waa bar sida YouTube oo kale u shaqeysa, waxaa bartan kala socda 11 milayn oo qof oo daafaha kala duwan ee dunida ku dhaqan, barta Twitch lacag lagama sameeyo sida YouTube oo kale, laakiin dadku hab tabarucaad ah ayay lacagta ku siiyaan oo dadka shaqadiisa la dhacsan ay jeebkooda ka caawiyaan.

Richard Tyler Blevins tabarucaaddaa waxa uu maalintii oo kaliya ka helaa kumaan doolar, qof kaliya ayaa mar ku tabarucay 40-kun oo dolarka Mareykanka ah, malee; lacago intee le’eg ayaa soo geli karta marka live-ka uu soo galo ay daawanayaan hal-milayan oo qof iyo tabarucaadda daqiiqad kasta soo gaari karta.

Richard Tyler Blevins, waxaa loo xushay garbadka sare ee joornaalka Esports ee caalamig ah ee ku takhasusay ciyaaraha, si uu u noqdo qofkii ugu horreeyay ee garbadka jariidada lagu soo bandhigo sawirkiisa.

Caanimada Richard waxey soo jiidatay dad badan oo dunida si aad ah looga yaqaanno oo ku dhiiraday iney ka codsadaan inuu la ciyaaro, dad badan oo caan ah ayuu la ciyaaray Gam- kan, waxaa ka mid ah heesaaga reer Canada ee Drake iyo gabadha weriyaha ah ee Ellen DeGeneres.

Dhanka kale, bartay YouTube waxaa uga furan janal ay la socdaan 17-milayn oo qof, dhanka Istagram-ka waxaa kala socda 10-milayn oo qof oo saaxiib kula ah.

Kaligii maaha, muhiimna maaha inuu yahay kan ugu wanaagsan

Dadka ku xiran ciyaarta Fortnite marba marka ka dameysa wey sii kobcaysaa, waxaa soo caanbaxaya xirfadlayaal cusub oo la mid ah Ninja, in badan oo ka mid ah waxey ka soo xareynayaan lacago malaayiin doolar ah, iyagoo ciyaarta ka baahinaya barta YouLTube,  Twitch iyo baro kale oo ay dadku macluumaadka isku weydaarsadaan.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close