WararkaWaxbarashada

Lama Filaan.. Sidan Ayaa Cilmigu u Arkaa In Lagu Dhali Karo Ilmo Caqil Badan oo IQ Sare Leh

Qalab casir ah oo genes-ka lagu baaro ayaa suuraggal ka dhigay in la helo calaamado muujinaya in geneska hiddaha ilmaha dhalanaya uu xambaarsan yahay cudurrada qaar iyo in ilmaha yar ee dhalanayaa uu leeyahay garaad hoose iyo in kale.

Iyadoo ay jirto horumar cilmi oo heer sare ah oo qalabka horumarasan uu muujinayo ayaa hadana arrintan la iska weydiinayaa su’aalo badan oo akhlaaqiyan ah oo ku saabsan ilmaha dhalanaya.

Website-ka New Scientist ayaa sheegay in shirkadda Genomic  Prediction ay ku guuleystay iney horumarin ku sameyso waddo lagu raadinayo caruur caqli badan iyadoo la marayo waddo bacraminta ee loo yaqaanno IVF, taas oo la isku larayo ugxanta hooyada iyo Sperm-ka oo shaybaar lagu dhex bacraminayo, kadib marka la baaro geneska hidde sidahooda oo lagu baarayo qalabkii ugu casrisanaa si ugu dambeyn loo heli karo ilmo caqli badan qoyska u dhasha.

Sida ay sheegayso shirkadda Genomic Prediction, qalabkan cusub ayaa la geyn doonaa xilli dhow isbitaallada iyo goobaha caafimaad, qalabkan ayaa la tilmaamayaa inaanuu raadineyn ilmo caqi badan si goonni ah, laakiin uu sheegayo marka ugxanta la beerayo ay ka dhalayaan ilmo dhalanrog leh oo dhibaatooyin caafimaad leh.

Qalabkan ayaa ka warramaya in ilmaha la beerayaa uu leeyahay ceebo genetics ah iyo in kale, arrintaas oo keenaysa dhankeeda  in la reebo genes-ka ciladda leh lana raadiyo xilliga ay ugu habboon ee ilmahan la beeri karo, waxaa ilmaha yar lagu beeryaa habka bacraminta ah ee IVF, iyadoo genes-ka lagu daawanayo marka uu cilladaysan yahay habka caanka ah ee marka la soo gaabiyo loo yaqanno PGD, gaar ahaan marka labada waalid ama mid kood uu dhibaato dhanka gentics ah qabo, ugxanta la beerayo ayaa sidoo kale la eegaya iney genes ka ay dhibaateysan tahay iyo in kale.

Genetic-ga aan wax cillada lahayn oo kaliya ayaa lagu beerayaa riximka hooyada, waana hab cusub oo ka hortag ah oo lagu doonayo in lagu dhalo ilmo aan hadhow wax cudur ah ka dhaxleyn waalidkood oo caqli badan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close