arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Boqorka Malaysia oo Guursaday Boqoradda Quruxda Moscow

Warbaahinta caalamka ayaa qoray in boqorta Malaysia Maxamed al-Khamis uu guursaday Oksana Voevodina oo ku guuleystay tartanka quruxda Moscow sanadkii 2015.

Sida uu qory Website-ka Isamnes, xafladda guurka waxey qabsoontay November 22, waxaana lagu qabtay hoolka xafladaha ee  “BARVICHA CONCERT HALL“, kaas oo ku yaalla deegaan ay ku noolyihiin dadka ladan ee gudaha caasimaadda Moscow.

Xafladdan ayaa waxaa la is-ticmaalayay cabitaanno xalaal ah, halka boqorka Malisia uu soo xirtay dharka dhaqameedka Malaysia, halka caruurasadduna ay soo xiratay dharka dhaqanka ee Ruushka.

Sida warbaahinta Malaysia ay sheegeen, Voevodina, waxey qaadatay diinta Islaamka Lix-bilood ka hor, si ay boqorka qoys ula noqoto. iyadoo arrintaasi ay jirto ayaaney hadana noqon karin boqorad, maadama sharafta magacaas ay heli karto dumarka Malaysia oo qora looma ogola dumarka ajinaanibta ah qaataan..

Boqor Maxamed al-Khaamis ayaa horey u guursaday, laakiin weli wax caruur ah looma dhalin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close