arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Da’yar Geesi ah oo 4 Caruur ah Ka Badbaadiyay Geeri Ay Qarka u Saarnaayeen

Da’yar geesi ah ayaa Afar caruur ah ka badbaadiyay geeri, kadib markii gurigii ay joogeen uu dab ka kacay gobol ku yaalla miyiga fog ee Saybeeriya, laakiin uma aaney suurtaggelin hooyadii guriga iney badbaaddo.

Hooyada ayaa geeriyootay kadib markii ay gashay guriga oo gubanaya iyadoo u haysatay iney caruurteedu ku jiraan, weyna ka soo bixi kari weyday dabkii oo dhinac kasta ka hareereeyay awgeed.

Sheekadan ayaa ku bilaabatay markii Aariyaan Aleksiif oo 10 jir ah lagu casuumay guriga Tooyaara Koosmiinaa oo saddex caruur ah oo ay dhashay deegaanka Soontaara, iyadoo ay jirto in Aryaan uu ku noolaa iskuul lagu xanaaneeyo agoomaha iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wiilkan yar ayaa martiqaadkii aqbalay gurigii ayuuna xilli hore seexday sida caruurta kale. Aryan waxa uu ku soo kacay qeylada Eyga qoyska, isla markiiba waxa uu u dhaqaaqay dhanka jikada oo qiiq farabadan uu ka soo baxayay.

Wax daqiiqad ka yar, ayuu ku cararay oo caruurtii kale ayuu toosiiyay, kuwaas oo da’doodu u dhaxeysay 4-11 jir, isagaana ku hagay wadadii ay kaga soo bixi lahaayeen guriga gubanaya, waxa uu ka soo saaray dariishadda guriga xagga dambe kaga taallay oo noqotay wadada kaliya ee ay dabka kaga carari karaan.

Caruurta oo guriga caga caddi uga soo baxay ayaa qaarkood ay la kulmeen dhibaatooyin dhanka lugaha ah maadama uu jawigu aad u qaaboobaa Saybeeriyana ay tahay goobta adduunka ugu qabow, heerkulku xilligaa waxa uu marayay 30 derjo oo eber ka hooseysa!.

Dhacdadan argagaxa badan ayaa hooyadu aaney ka badbaadin, wey dareentay oo ay ku toosta qiiqa kushiinka dhankiisa ka soo baxaya, banaanka ayay u carartay oo dibadda u baxday, laakiin waxey ka shakisay in mid ka mid caruurta uu guriga ku dhex jiro, sidaa darteed, wey ku laabatay weyna u suurtageli weyday iney mar kale gurigii dib ugu soo baxdo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close