WararkaWaxbarashada

Ilmo Yar oo Farriin u Diray Aabihii oo Dhintay.. Waxaa Lama Filaan Noqotay Jawaabtii Lasoo Gaarsiiyay

Waxaa Baraha-bulshada aad ugu faafay sheeko saameyn badan yeelatay oo uu jilaa ka ahaa canug yar oo Lix jir ah, waxa uu goostay ilmahan yari inuu farriin u qoro aabihii oo sida loo sheegay jannada ku nool, kaas oo dhintay sanad guuradiisii dhalashada, waxaase soo gaaray jawaab lama filaan ah.

Ilmahan yar ee reer Ingiriis oo la yiraahdo Jase iyo walaashii ayaa waxaa caado u ahayd iney farriimo u diraan abbahood marka la gaaro cidda dhalashadiisa, laakiin markan boostoolaha warqadda qaadayay ayaa uu farriin ugu qoray warqadda dusheeda, arrintaas oo si gaar ah u soo jiidatay farriin qaadaha warqadda loo dhiibayay.

Ilmahan yari waxa uu warqadda ku qoray: “Mudane farriin qaade (boostoole) farriintan jannada ma gaarsiin kartaa, munaasabadda ciidda dhalashadiisa. Mahadsanid.”, waa sida lagu soo daabacay websiteka Edinburgh Life.

Maalmo kadib ayaa caruggii yaraa waxaa farriin rasmi ah u soo dirtay shirkadda farriimaha boostada ee Royal Mail, ilmahan yar loogu sheegayo in farriintii jannada la gaarsiiyay.

Farriintii loo soo qoray ayaa sidan ahayd: “Waxaan goosannay inaan fursaddan uga faa’iidaysanno si aan kula wadaagno iney noo suurtaggashay inaan aabbahaa farriintii ugu geynno jannada, aadbay noogu adkayd xidigo badan ayaa dhaafnay si aan u gaarno.”

Farrinta ayaa waxaa soo saxiixay ku xigeenka xafiiska farriimaha Milligan, hooyada James ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay uguna mahadcelinayso shirkadda Royal Mail tallaabadaa ay qaadday ee ay ilmahan yar ku dhiirrigelinayso, warkii ayayna ku faafisay bayjka ay Facebook ku leedahay, arrintaas oo dadku si aad ah u jeclaysteen una wadaageen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close