WararkaWaxbarashada

Ogow Sababta… Kuuriyada Koonfureed oo Dadku Ay Lacago Badan Ku Bixiyaan Si Ay U Galaan Xabsi

 

Kuuriyada Koonfureed waxa laga aasaasay sanadkii 2013 xabsi loo bixiyay magaca Prison Inside Me oo lamacno ah xabsi gudahayga ku jira oo ah xabsi ku meel gaar ah oo shaqsiyaadka ku daalay nolol maalmeedka isla markaana doonaya iney daalka faraha badan ka nastaan ay ku dhuuntaan.

Dadku waxey aadaan goobta xabsigani ka dhisan yahay, waxeyna bixiyaan lacag si xabsiga ay u seexdaan, looma ogola iney qofina la soo xiriirto iyo dhammaan mobile-lada Smarts-ka ah oo dhan.

Hadda xabsigan waxa uu shaqeynayaa muddo 5 sano ah, sida ay sheegtay mu’asasada gacanta ku haysa waxa ku xirnaa oo seexday in ka badan 2000 qof mudadaa, inta badan waxaa macmiil u ah shaqaalaha xafiisyada iyo ardayda nasashada dooneysa ee ka nasanaya jadwalkooda maalin laha ah iyo shaqada tirada badan ee joogtada ah, waa sida uu qoray joornaalka “tjournal”.

Aasaasaha mashruucan oo la yiraahdo Noh Ji-Hyang, ayaa yiri: fikraddan ayaa nagu dhalatay kadib markii aan aragnnay cabashooyin badan iyo mid si gaar ah u taabaneysa oo dhanka qoyska ah, markaas oo uu sheegay iney habboonaan lahayd  in waqti uu xabsi ku qaato intii uu dib ugu laaban lahaa shaqo 100 saacadood ah isbuucii.

Waxa uu hadalkiisa isii raaciyay : “Marka ay dadku noo yimaaddaan, waxey leeyihiin: kani maaha xabsi dhab ah, waa halka aan jecelaysanayo inaad dib ugu soo laabanno.”

Xabsigan ayaa qofku marka uu soo gaaro waxaa loo xirayaa dhar buluug ah, waxa uu wato inta badan waa laga qaadayaa, iyadoo xilliga aad ku jiraysaa ay tahay un 24 saac ama 48 saacadood, waxaa yaalla darin yar oo aad ku fariisaneyso, qalin, shaah, qoys lama ogola, dadkuna dhulka ayay seexdaan.

Shaqaale ayaa si gaar ah u diyaariya cuntada loo geynayo dadka xabsiga ku jira iyagaana una geynaya iyadoo sida xabsiga caadiga ah oo kale loo sameeyay dariishad yar oo raashinka looga dhiibo, kharashaadka halkii mar lagaa qaadayaa waa 90- dolar.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close