arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Qolley Isbitaalka is-geysay Si Dhaawaceeda Looga Dhayo!

Shaqaale rug caafimaadka oo takhasusi ah una gaar ah veterinary-ga ee ku taalla magaalada Omsk ee dalka Ruushka ayaa garaacid fudud ka maqlay albaabka isbitaalka oo dhalo ka sameysnaa, markii ay fureen waxey arkeen  arrin ay aad ula yaabeen, waxey ishoodu qabatay qoolley dooneysa in la caawiyo oo garabka ka dhaawacan.

Waxaa taa ka sii darneyd markii uu dhakharku arkay in shimbirtani ay si dagganaan ah garabka u fidinayso, markii la baaray ee raajo la saaray waxaa caddaatay in qolleydan caqli  badan ay garabka ka jaban tahay, markaa waxa ay goosteen iney caawiyaan.

Garabka shimbirta ayaa qalliin lagu sameeyay, waxaa la arkay in la daaweyn karo, shimbirkii dhakhaatiirtu waxey ula baxeen magaca Frank.

Sida uu qoray website-ka NGS55.RU ee dalka Ruushka, dhakhtar Booliinaa Samislofaa ayaa tiri: “Dhakhtar Baafal Qunustantinofij ayaa qoolleyda ii keenay, si wada jir ah ayaanan qalliin ugu sameynnay.” Dhakhtar Boliinaa waxey ku takhasustay cudurrada shimbiraha ku dhaca iyo sida loo xanaaneey, halka dhakhtar Baafal uu yahay dhakhtar qalliin.

Dhakhtar kale oo Isbitaalka Afiita ee xoolaha ee Veterinary u goonnida ah, ayaa waxey sheegtay in shimbirka uu hadda wanaagsan yahay, waxeyna u baahan tahay xoogaa tababar ah si ay u aragto iney mar kale duuli karto oo la daaweeyay.

Dhakhaatiirtu hadda kuma talo jiraan iney Frank hawada ku sii daayaan maadama jawigu uu aad u qabow yahay, kadib markii la ogaaday in qolleydu ay tahay nooc goonni ah, dhakhaatiirta ayaa doonaya iney geeyaan goobaha amaanaadka xawayaanka dad joogta ah ee luma lagu sii hayo, si hadhow dadkii iska lahaa ay ugu suurogaasho iney heleen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close