WararkaWaxbarashada

Cudur Ay La Dhibaatoonayaan 24% Dadka Dunida.. Astaamaha Lagu Garto iyo Sida looga hortago

In ka badan 1,62 bilyan oo qof dunidan aan ku nool nahay waxey la dhibaatoonayaan dhiig yari, waana saami u dhigma 24,8% dadka dunida ku dhaqan.

Dadka ugu badan ee cudurkan la dhibaatoonaya ayaa ah caruurta 5 jirka ka yar oo 47,4% ka ah tiro koobkaa, waxaana ugu hoose ragga oo saamiga inta dhiig la’aanta ah ay gaareyso 12,7%, waa sida uu sheegay ururka caafimaadka Adduunka.

Website-ka “WebMD”, ayaa soo bandhigay sharraxaad fudud oo ku tusunaya waxa cudurkan Anemia uu yahay, astaamaha lagu garto, iyo sida looga hortago.

Muxuu yahay cudurkani

Dhiig yaridu waxey timaaddaa marka qofka ay ku yaraadaan uguyada dhiigga cas oo awood badan isla markaana nabadqaba, si ay Oxeygen-ka u gaarsiiyaan unugyada jirka ee kala duwan. waxaa suuraggal ah in uguyadu aaney haysan in ku filan oo Hemoglobin ah, oo ah barootiinka dhiigga siiiya midabka casaank ah, waxa uu aadka ugu badan yahay dumarka xilliga dhalmada gaara, dadka da’da ah iyo dumarka Afrika iyo kuwa asalka ahaan Latine-ka ah.

Astaamaha lagu garto

Calaamadaha ugu shaacsan waxaa ka mid ah in daal la dareemo iyadoo ay jirto inuu qofku si wanaagsan u seexday, ama uu qofku u baahan yahay tamartii lagama maarmaanka ahayd si loo soo celiyo shaqooyinka caadig ah, waxaa dhici karta mushkiladaha xasuusta iney dhiig yari ay asal u tahay ama is rogrogga dareenka qofka oo aad arkayso xilli dhow isagoo faraxsanaa ilbiriqsiyo gudahdood caro farabadan.

astaamaha qaar waa kuwo iska fudud, halka uu marka dambe gaaro heer nolosha qofka ay khatar gasho. astaamaha kale ee cudurka lagu garto waxaa ka mid ah:

-Daciifnimo uu qofku dareemo.

-Dawakhaad iyo madax wareer soo waajaha.

-Jirka oo qalleyl badan laga dareemo.

-Madax xanuun.

-Kabaabiyo iyo qaboob aad ka dareento gacmaha iyo lugaha.

-Heerkulka jirka oo hoos u dhaca.

Sababaha keena

Cudurka dhiig yaridu waxa uu ku dhacaa dumarka iyo shaqsiyaadka cudurrada waqtiga dheer ah qaba, tusaale ahaan cudurrada kalyahay waxey saameeyn ku yeeshaan soo saarista jirka ee sameysanka dhiigga cas.

Sidaas oo kale, cudurka waxaa sababi kara nidaamka cunto ee birtu ku yar tahay ama aan lahayn faytamin B12, ama acid-ka Folate aanu ku jirin, halka noocyo ka mid ah dhiig yarida uu ay ka dambeyso sabab hide sidaha qofka oo dhaxal ahaan ugu yimadda.

Talooyin ka hortag ah

Dhakhaatiirtu waxey ku talinayaan muhiimadda uu ka hortaggu leeyahay iyo in la raaco nidaam raashin oo caafimaad. sidaas oo kale in la qaato raashinka birtu ku badan tahay iyo hilibka cas ee baruurta aan lahayn, beerka, kalluunka, kaarootada, digirta, khudaarta cagaaran, sidaas oo kale waxaa lagu talinayaa in la qaato faytamin B12,  Folate acid, ukunta, caanaha iyo mooska.

Sidaas oo kale Faytamin C laga helo waxyaabaha dhanaan ee khudaarta waxa uu kaalin ka qaataa in jirka uu nuugo birta lagama maarmaan u ah sameysanka unugyada dhiigga cas.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close