WararkaWaxbarashada

4 Xeeladood oo Loo Adeegsado Xiiso Gelinta Lamaanahaaga Nolosha.. Waa Marka Jacaylka Boorka Laga Jafayo!

Marar badan dumarku waxey ka sheegtaan in raggu ay ka gaabiyaan daryeelkooda, isla markaana aaney u xiisin, gaar ahaan marka dadabgalaan kadib, laakiin sida dhabta ah qofka dumarka ah ayaa ka dhigtay inaanuu lamaaneheedu u xiisin ama uu ka dheeraaday aanuu dareemin, xilliyada qaar haweenaydu ma siiso heer uu ku nafiso, iyadoo ku marmarsiyoonaysa iney ka baqaneyso inuu ka tago ama uu illaawo.

Haweenayda la talinta qoyska ku takhasustay ee la yiraahdo (Rawaan al-Cutaybi)  ayaa talooyin u soo jeedineysa dumarka sida ay dareenka lamaanahooda u soo jiidan lahaayeenna garab ka siineysa.

1- Ha la xiriirin

Waa mas’aladaha ku saabsan iney raggu kuu xisaan, sidaa darteed ka fogow xiriirka walwalka gelinaya, ku kallif inuu kula soo xiriiro.

2- Farriimihiisa si degdeg ah ha uga jawaabin

Marka aad farriimaha ku yara dhageysato oo aadan si degdeg ah uga jawaabin waxey arrintaasi ka dhigeysaa inuu xoogaa daneyn ah siiyo, maxaa yeelay ragga dabeecad ahaan waxey u janjeeraan dhanka maseyrka, waxeyna jacel yihiin iney  qofka dumarka ah hantaan, xitaa marka ay shaqadeeda joogto, waxa uu markaa ku fakarayaa tolow yaa mashquulinaya. in kastoo dhaqankaasi u muuqdo mid xooga dhib badan, laakiin waxa uu ka mid yahay waddooyinka la tijaabiyay ee kuu soo jeedin kara.

3- Raad ku reeb

gabadha caqliga badan waxey lamaaneheeda u reebtaa raad uu ugu hilloobo, isla markaana uu aad ugu xasuusto, tusaale ahaan; u samee hadiyad uu wato oo mar kasta uu arko uu kugu soo xasuusto, hadiyadaa sidii saacaddii oo kale ula socota markasta wuu kugu soo xasuusanayaan.

4- Farriimo u reeb

u qor fariimo uu si lama filaan ah ku arko, marka uu arko fariin qoran lama filaan ayay ku noqoneysaa, maxaa yeelay xasuusta raggu waa mid raagta si ka duwan tan dumarka, sidaa darteed farriintaa muhiimka ah ee dareenka xambaarsan ee lama filaanka uu ku helay muddo dheer ayay caqligiisa ka dhex guuxi doontaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close