WararkaWaxbarashada

Khilaaf Ka Dhex Jira Lamaanayaasha “Fab Four” ee Boqortooyada Ingiriiska

Dad badan waxey is-weydiinayaan sababta khilaafka u dhaxeeya Meghan Markel iyo Kate Middileton, gaar ahaan markii uu soo shaac baxay in Meghan ay isku dirtay labada Amiir ee Harry iyo William oo hadda isku dhacsan.

Amiir william, Harry, kate iyo Meghan hal qasri ayay ku wada noolyihiin, lamaanayaashan ayaa waxaa loo yaqaannay Afarta cajiibka ah ee Fab Four, maalimihii dambe aad ayaa isha loogu hayay iyadoo uu jiro khilaaf dibadda u soo baxay oo u dhaxeya lamaanayaashan.

Sababta Khilaafka

Sida ay sheegtay jariidada The Express ee dalka Taliyaaniga, dadka ku xeeldheer qoyska boqortooyada ayaa sheegeen in xiriirka labada Amiir uu meel xun gaarsiisanaa maalmihii la soo dhaafay khilaaf ka dhex jira awgii.

Qof ka mid ah qoyska reer boqor ayaa u sheegay jariidada The Sun “Khilaafaad badan ayaa jiray, arrinta la isku haysto ayaa ah in Harry uu ka dheeraaday walaalkii oo markii hore ay si aad ah iskugu dhawaayeen.”

Labadan Amiir aad ayay iskugu dhawaayeen, munaasabadaha si wada jir ah ayay uga qeybgali jireen, gaar ahaan Harry waxa uu munaasabadaha boqortooyada u raaci jira walaalkii William iyo xaaskiisa, waa inta aaney Meghan noloshiisa ku soo biirin.

Amiir Harry ayaa walaalkii uga caraysan inaanuu Meghan u fidin roogga cas si uu ugu soo dhaweeyo ka mid noqoshadeeda qoyska boqortooyada ixtiraamna uu ugu muujiyo. laakiin khilaafkaa waxaa soo kala dhex galay Amiir Charles (aabaha dhalay) oo si degdeg ah khilaafkaa usoo afjaray.

Harry iyo Meghan waxey u guurayaan masaafo 25-mayl ka fog William iyo Kate, waxey noloshooda ka sii wadan doonaan qasriga Frogmore, kaas oo badkiisu uu gaarayo 33 hektar, qasrigan ayaa ku yaalla xuduudda qalcadda Windsor goobta loo dalxiiska tago ee Home Park.

Kate iyo Meghan ayaa la tilmaamayaa in dhaqankooda iyo qoysaska ay ka soo jeedaan ay asal u tahay iney is-fahmi waayeen oo dhaqankoodu is keeni waayo, sidaa darteed waxaa la leeyahay inuu khilaaf ka dhex dhaco mar kasta waa wax la filaayay.

Kate nolosha qoyska ayay xududeeda ku ekayd halka Meghan ayay ahayd jilaa caan ah oo la qabsatay nolosha caannimada iyo dhex galka bulshada.

Waxaa la tilmaamayaa in Meghan ay amar ku taagleyn badan sameyso oo farriimo e-mail ah ay ku harqiso shaqaalaha 5-ta subaxnimo ee waabariga hore.

Sidaas oo kale, amiir Harry waxa uu aad ugu dadaalaa in mar kasta Meghan ay hesho waxwalba oo ay u baahan tahay.

Si kastaba, waxaa dhici karta in boqoraddu ay horistaago in Fab Four ay kala guuraan iyo in labadan amiir ee walaalaha ah ay meelo kala duwan ku kala noolaadaan, laakiin waxaa la tilmaamayaa iney daruuri tahay in labada amiir in muddo ah ay isku xisaan ka hor ciidaha sanadka cusub ee dhawaan la filayo.

Mas’uul ka tirsan qasriga Kensington Palace ayaa sheegay in qasriga uu goobo u gaar ah u diyaariyay qoyska boqortooyada, maadama deegaankooda rasmiga ah uu qasrigan yahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close