WararkaWaxbarashada

Muuqaal: Booliska Mareykan oo Baadigoob Ugu Jira Lamaanayaal Si Kadis Ah uu Uga Lumay Faraantigii Guurkooda!

Booliska New York ayaa raanidaya wiil dhalinyaro ah oo si khaldan uu bullaacad uga dhacay faraanti xilli uu guur ka codsanayay gabar uu jeclaa.

Maamulka booliska New York ayaa bartooda Twitter ka ku soo qoray: Wiil dhalinyaro ah ayaa gabar guur ka dalbaday iyagoo wada jooga barxadda Times, markii ay gabadhu guurkii ogolaatay ayaa farxaddii inta ay ka badbadatay uu faraantigii kaga dhacay bullaacad.

Waxey intaa sii raaciyeen: waxaan helnay faraantigii, waxeyna tilmaameen sida ay u rajeynayaan in labadii qof ee is doonayay ay mar kale isku soo celiyaan lamaanahaasi si ay farxadooda uga qeyb noqdaan..

Dadka internet-ka isticmaala ayaa farriimo ku soo harqiyay tweet-kaas, qof kaftamaya ayaa soo qoray: hadda mar kasta oo ay is qabtaan , waxey xasuusin doontaa khaladkiisii inuu faraantigii ku riday bullaacad.

Rachel Tania ayaa soo qortay: Sheekadani waa mid qosol iyo murugo iskugu jirta, waxeyse haleyaan sheego madadaalo leh oo ay caruurta ay awoowga iyo ayayda u noqdaan ay u sheegi karaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close