WararkaWaxbarashada

Muuqaal: Lacag Tabaruucaad ah Ayuu Xaday… Ilbiriqsiyo Gudahood Ayuuse Ciqaabtiisa Ku Helay

Muuqaal si weyn ugu faafay Baraha-bulshada ayaa muujinaya wiil dhalinyaro ah oo geesi ah oo hor istaagay tuug xaday lacag tabarucaad ah, sanduuq yaallay maqaaxi ku taalla magaalada Hull ee dalka Ingiriiska.

Muuqaalkan oo lagu duubay kaamirada ilaalada booliska, ayaa waxa uu muujinayaa ilbiriqsiga uu tuuggu galayo maqaaxida, waxa uu toos u aaday dhanka lacag qabashada, kadib waxa uu qaatay sanduuq tabarucaad lagu uruuriyo isla markiiba wuu la cararay.

Ilbiqisigii uu ka sii baxay maqaaxida, waxaa ka soo hor baxay wiil dhalinyaro ah oo 21-jir ah oo aan marnaba ka laba labeyn inuu taako u dhigo.

Jariidada “The Sun“, ayaa sheegtay in wiilkan dhaliyarada ah ee la yirada ah, uu isku bedelay mid si aad ah looga hadal hayo baraha-bulshada, saacadihii la soo dhaafay, geesinimadiisa darteed, iyadoo lagu tilmaamay inuu yahay halyeey.

Dentoon waxa uu yiri: “Waxaan u socday shaqo, waxaan arkay nin si xoog ah u cararaya oo maqaaxida ka soo baxaya, waxa uu iila muuqday tuug, si degdeg ah ayaan u fakaray oo aan u carqaladeeyay.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dadka oo dhani wey ii sacbiyeen, qaar kood waxey ii sheegeen inaan qabtay howl raganimo ah leh”

Markii dambe booliska ayaa gacanta ku dhigay tuugga oo maxkamaddi ay ku xukuntay 16 isbuuc oo xabsi ah waa muddo 4 bilood ah, maadaama uu isku daygii tuugnimo ee uu sameeyay uu ka fashilmay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close