arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daahrog Cusub… Caaracaaradu Waxey Leedahay Caano Ka Faa’iido Badan Kan Lo’da! (Muuqaal)

Waxaa la og yahay in xayawaan badan ay caruurtooda ku nuujiyaan caanaha si ay u koriyaan, saynisyahanno Shiinays ah ayaa lama filaan cusub daahrogay, waxey heleen in nooc ka mid ah caarocaaradu ay leedahay caano ka faa’iido badan kan lo’da.

Caadi ahaan caaracaaradu ilmaheeda waxey ku haysaa buulkeeda illaa ay ka qaangaarayaan, waa muddo 20-cisho ah.

Saynisyahannadu markii hore waxey aaminsanaayeen in caaracaarada ay ilmaheeda ku hayso buulka iyagoo aan waxba cunin mudadaa 20-ka cisho ah, laakiin koox saynisyahanno ah ayaa daahrogay faahfaahin cusub.

Cilmi-baare ka tirsan akaademiyada Shiinaha ee Sayniska ayaa ogaaday in nooc ka mid ah caarocaarada oo loo yaqaanno “Goksiyaas Magnaas” ay soo saarto maaddo shabbahda caanaha.

Saangi Tashing waxa uu yiri: “Horey uma aanan aqoon sida ay Caaracaaradu ilmaheeda ku koriso iyagoo wax quudin ah aan helin, illaa habeen aan aragnay caarocaaro yar oo ku dhaggan caloosha hooyadeed.

Markaa wixiii ka dambeeyay waxaa isha lagu hayay dhadigga caaracaarada oo shaybaarka la saaray isla markaana caloosha laga tuujiyay, waxaa si lama filaan ah uga soo baxay dareere caano shabaha, waa sida uu sheegay website-ka “The Mirror” ee dalka Ingiriiska ka soo baxa.

Markii caanaha la baaray, waxey khubaradani ogaadeen inuu leeyahay dux iyo barootiin 4 jeer ka tayo sarreeya kan caanaha lo’da, arrintaas oo ka dhigeysa in caanaha lo’da uu aad uga faa’iido badan yahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close