WararkaWaxbarashada

5 Arrimood oo Caafimaadka Lagu Adkeeyo Cimirigana Ku Barakoobo

Mararka qaaar waxaan faa’iidooyin farabadan ka helnaa is-bedel fudud oo aan nolol maalmeedkeenna ku sameynno, is-bedellada qaar xaaladeenna caafimaad ayay u roon yihiin halka kuwo kalena aan cimri dherar ka helno duqoyga uu yareeyo.

Is-bedellada ay muhiimka tahay inaan nolosheenna ku sameynno oo saameyn fiican yeelan kara oo caafimaadkeenna jireen kan nafsi ahaanba u wanaagsan, waxaa ka mid ah.

1- Ka tanaasul fikradda Alarm Clocks-ka hurdada lagaga tooso

Natiijo ka soo baxday daraasad dalka Japan laga sameeyay, cododka dhaadheer ee lama filaanka waxey saameyn ku yeeshaa daraamaha qofka, sidaas oo kale khatarta cudurrada wadnahana wey kordhisaan. sidaa darteed waxaa wanaagsan dunideenan casriga ah inaan waqtiga ugu badan ee aan heli karno aan xasilooni ku qaadano.

2- In xaywaan guriga la keeno

Daraasaad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in xiriirka xaywaanka dad joogta ah lala yeesho uu walwalka nafta uu yareeyo, arrintaas oo xoojineysa nidaamka difaaca jirka, waxeyna hoos u dhigtaa heerka caabuqyada burburiya unugyada jirka.

3- Qubayska Yaree

Saynisyahannadu waxey aaminsan yihiin in saabuunta iyo biyaha kulul ay jirka qalajiyaan qeybta duxda ee bakteeriyada jirka ka difaacda iyo cudurrada dibadda, sidaa darteed, qubayska tirada badan waxa uu daciifiyaa jirka, markaa waxa uu qofku u nuglaanayaa cudurro farabadan.

4- Rootiga oo la cuno

Saynisyahanno jarmal ah oo dalka Jarmalka u dhashay ayaa ogaaday in rootiga uu kordhiyo Antioxidant, taas oo jirka ka horistaagta in kansar uu ku faafo.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close