WararkaWaxbarashada

Dilaagii Ugu Dhiig Daadinta Badnaa Mareykanka oo Qirtay Dembiyo Ka Badan 90 Qof oo Uu Dilay oo Dumar u Badan!

Oday waayeel ah oo dalka Mareykanka u dhashay ayaa qirtay dambiyo farabadan oo uu galay  illaa yaraantiisii.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Dilaagan uu yahay kii ugu dhiig daadinta badnaa taariikhda Mareykanka, Samuel Little oo 78 jir ah, waxa uu qirtay inuu galay fal dambiyeedyo dil ah oo gaaraya illaa 90-ruux.

Dilaagan baaritaanno cusub ayaa laga furay dilaagan oo sanadkii 2014 lagu xukumay xabsi daa’im, kadib markii uu qirtay dambiyo la garan la’aa dadkii geystay.

Little dambiyadiisa ayuu qirtay kadib mark uu maray barnaamij ViCAP ee gaarka u ah dhaqanka dilaaga ee dhibaateynta, waa barnaamij lagu dhiraandhirinayo nafsiyadda qofka dilaaga ah, iyadoo natiijooyinka baarintaanka barnaamijkan lala wadaagayo mu’asasaadka sharci ilaalinta, si natiijo looga gaaro  dilalka dadkii geystay aan la garaneyn.

Christina Palazolo oo ah haweenay shaqaale ah oo ka howlgasha barnaamijka ViCAP, ayaa sheegtay in Little oo hadda ku eedaysan 3 fal dambiyeed oo xukunkii lagu riday uu ahaa xabsi daa’im saddex jeer ah, waxa uu dilay 3 dumar ah inta u dhaxeysay 1986 iyo 1989, waxa uu qirtay dambiyadaas, waxa uu doonaya in booskiisa xabsiga la bedelo, waa sida uu sheagtay.

Palzolo, waxey hadalkeeda sii raacisay dambiilahani markii uu la fadhiyay kooxda falanqeeyeyaasha ee ViCAP ku takhasusay, waxa uu u sheegay inuu dambiyada ka geystay 24 gobol oo ka mid ah gobollada kala duwan ee dalka Mareykanka, waxaa ka mid ahaa; Arizona, Ohio iyo Mississippi.

Waaxaa illaa iyo hadda la xaqiijiyay inuu geystay 34 dambi oo ka mid ah 90 dambi oo uu qirtay, baaritaannadii weli socdaab si loo xaqiijiyo sheegashadiisa dambiyada kale.

Warbixinnada ka soo baxaya FBI ayaa sheegaya in dembiyada uu geystay Little ay intooda badani dumar ahaayeen , waxa uu dumarka ugaarsanayay laga soo bilaabo 1970 ilaa 2005.

dembiyadii uu galay intooda badan, waaxaa loo qaatay iney shilal yihiin ee looma fahmin iney dembi ula kac ah ay ahaayeen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close