CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Khubaro Ka Digaya In Qahawada iyo Shaaha Lagu Cabbo Diyaaradda Dusheeda

Cabitaannada kala duwan ee ay ka mid yihiin shaaha iyo Qahwada diyaaradda dusheeda lagu cabbo waxaa suurtaggal ah inuu leeyahay bakteeriyo khatar ah oo caafimaadkaaga aan u wanaagsaneyn, maadaama inta badan aan la nadiifin haamaha biyaha diyaaradaha lagu kaydiyo.

Professor ka tirsan kulliyadda Hunter College oo la yiraahdo Charles Plattkin, ayaa u sheegay jariidada New York Post, marka ay diyaaraddu soo cagadhigato lama nadiifiyo haamaha biyaha, maadama aaney shaqaaluhu waqti badan oo ay ku dhaqaan aaney u hayn, mar kale ayaa  biyaha laga dhaamiyaa, laakiin qashinkii iyo huubada haanta gunteeda ayay ku hartaan oo ay dagaan.

Caalimkan ayaa sheegay in dad rakaabk ah ee ka baqaya bakteeriyada, gaar ah nooca lagu magacaabo Escherichia coli (Nooc ka mid ah bakteeriya ku nool caloosha naasooleyda), ma habboona in qahwada laga cabbo iyo shaaha toona diyaaradda dusheeda, halka uu ku taliya in la adeegsado nadiifiyeyaasha marka masqusha diyaaradaha.

Khubarada jaamacadda  Hunter College, ayaa waxey kulamo kala duwan la yeesheen shaqaale 11 shirkad diyaaradeed oo ay ka wareysteen haamaha biyaha ee diyaaradaha rakaabka ah.

Kulmadii ay sameeyeen markii ay dhiraandhiriyeen waxey ogaadeen inaan haamahaa inta badan aan la nadiifin weligood, maadaama aaney haamahani hortabinta koowaad u lahayn shirkadaha diyaaradaha rakaabka.

Goobjoog Edu

Show More

Related Articles

Close