WararkaWaxbarashada

Markii Ugu Horreysay Dowladani Gaadiidka Dadweynaha Lacag La’aan Ayay Ka Dhigtay

Dowladda Yurub ku taalla ayaa goosatay inaan gaadiidka dadweynaha wax tigid ah lagu raacin, tallaabo noqoneysa tii ugu horreysay adduunka ee nooceeda oo kale ah.

Jariidada Daily Mail ayaa sheegtay, in dowaladda yar ee Luxembourg, ay goosatay iney laasho tigidka lagu raaco tareennada, marka la gaaro 2019, waana tallaabo ay horey u baallanqaaday xukuumadda midowga ah ee dhawaan la doortay ee uu hoggaaminayo Xavier Bettel.

Xukuumadda Luxembourg, ayaa tallaabadan u qaadday si dadka leh gawaadida yaryar loogu dhiirrigeliyo iney raacaan gaadiidka dadweynaha, si xal loogu helo mashaakilaadka jaamka waddooyinka, gaar ahaan caasimaddda Luxembourg oo dhibaato badan ay dadku ku qabaan.

Luxembourg waa caasimaadda’e waxey dadku aad ula dhibaatoonayaan jaamka ugu daran adduunka oo halkaa ka jira, waxaa daggan 110-kun oo qof, waxaana u soo shaqo doonta 400-kun oo shaqo un u yimaadda habeenkiina ka hoyda, sida tirakoobkan ku cad, dadka u soo shaqo taga ayaa ka badan dadka deegaanka.

Dadka Luxembourg, guud ahaan waxaa lagu qiyaasaa iney ku noolyihiin 600-kun oo 200-kun ay daggan yihiin Faransiiska, Biljam iyo Jarmalka, si maalinle ahna ay xuduudda u soo gooyaan, si ay uga shaqeystaan Luxembourg.

Lacagta tigidka safarka mudadiisu tahay 2 saacadood waa hal-euro oo qura, marka la eego bedka dalkaas oo aad u yar, lacagtaasi safar kasta ayaad ku geli kartaa oo meel kasta oo dalkaa ka mid ah ayaad hal-ero ku gaari kartaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close