arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Mobile iPhone ah oo Kashifay Dil Uu Nin u Geystay Xaaskiisa… Qorshihii Uu Dagay oo Ilbiriqsiyo Kaga Burburay

Nin farmashiiste ah oo India u dhashay ayaa xaaskiisa ceejo ku dilay, si uu u helo qiimaha caymis magdhow oo aad u farabadan, isagoo doonayay in uu  noloshiisa la bilaabo gabar uu jeclaa oo Australia ku dhaqan.

Mitesh Patel waxa uu xaaskiisa u maleegay dhagartii uu ku dili lahaa oo uu ku heli lahaa 2 milyan oo Pound oo ah qiimaha caymiska nolosheeda dul saarnaa, waxaana uu doonayay inuu lacagtaa si sahlan ku helo booliska uu marin habaabiyo, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail.

Dilaagani waxa uu isku dayay inuu dembigiisa ku qariyo sheeko uu aliftay, waxa uu sheegay in  guriga la boobay, laakiin dambi baarayaasha ayaa ay u suurtagashay iney daahrogaan beenta uu dhoodhoobo, iyadoo la adeegsanayo Appka iPhone Health.

Appka ayaa laga ogaaday markii ay gabadhan geeriyootay kadib in mobile-keedu dhaqaaqay 14 tallaabo, waa markii taleefoonka dibadda loo saarayay, si uu booliska u marin habaabiyo, si dambi baarayaashu ugu maleeyaan inuu mobile tuuggii ka dhacay markii uu guriga ka sii cararayay.

Jariidada ayaa tilmaantay in gorsoorihii uu u sheegay ninkan inuu waajahayo dembi xabsi daa’im ah, si uu u helo ciqaabta dilka xaaskiisa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close