arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ri’ Cuntay 20-kun oo Euro oo Qofkii Iskalahaa uu Muddo u Uruurinayay Si Uu Dhul Ugu Iibsado… Sidan Ayuuse Uga Aargutay

Ri’ lagu magacaabo Bilka ayaa cuntay 20 kun oo euro oo kaasha ah oo qof in muddo ah uu uruursanaya dhex bartamaha Serbia.

Sida uu qorey website-ka arandjelovac info, Qoyska Simic oo daggan tuulada Ranilovic oo ku taallada duleedka Arandjelovac, oo 80-km koonfur ka xigta Belgrade, ayaa 20-kun euro oo ay ugu talo galeen iney ku iibsdaan dhul 10-kun oo higtar ah, ay miiska saareen si ay u sugaan qofkii dhulka ka iibin lahaa.

Milena Simic ayaa saxafiyiinta u sheegtay , aabbaha ninkeyga ayaa subixii hore daaqsin u ka xeeyay xoolaha, laakiin ma aanuu ku baraarugin in albaabka hore ee guriga uu sii xiray… ri’ ayaa ka soo gashay, waxeyna cuntay lacagtii miiska saarneyd.

Waxey hadalkeeda sii raacisay: Markii aan sanqar ka maqalnay guriga ayaa ninkeygu uu u cararay si uu u ogaado sanqartaasi waxa ay tiri, waxa uu arkay ayuu u rumeysan kari waayay, ridu lacagtii oo dhaan ayay cuntay, waxeyna soo reebtay 300 oo euro oo kaliya, intii kale wey liqday.

Waxey tilmaantay Haweenaydani, xilligaa laga soo bilaabo ninkeyga wax hadal ah wuu ka soo bixi la’yahay, hal meel oo kaliyana ayuu eegayaa.

Sida uu sheegay Website-ka ridaa waa laga aar gutay oo waa la gowracay ridii oo la karsaday.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close