arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenay Maryekan ah iyo Gabar Ay Dhashay oo Mar Qura Ku Wada Guuleystay Tartanka Boqoradda Quruxda!

Website-ka Fox News ayaa Jimcihii Sheegay in guddiga qiimeynta tartan dowli ah oo ka dhacay gobolka South Dakota uu gabar iyo hooyadeed u aqoonsaday iney kala qayb sadaan abaalmarinta boqoradda quruxda.

Website-ka ayaa tilmaamay boqoradda qoroxda ee hooyada oo la yiraahdo Tina Wilson ay tahay hooyo leh afar caruur ah, waxey tartanka ka wada qeybgaleen gabadheeda Morgan, labadooduba tartankii markii ay ka qeybgaleen wey ku guuleysteen.

Morgan oo 19 jir ah iyo hooyadeed ayaa loo aqoonsaday boqorradda quruxda South Dakota, Morgan, waxey ka hadashay sida ay ugu faraxsan tahay guushaa iyada iyo hooyadeed ay si wada jir ah u gaareen: “Farxadaydu waxey aad u sii kordheysaa marka aan hooyaday arko hooyaday oo aad u qurux badan, aad u faraxsan, aadna iskugu kalsoon, aabahay waa 49 jir, ciidanka ayuu howlgab ka noqday, waa qofkii ugu badanaa ee aniga iyo hooyadayba taageerada iyo garabka na siiyay.”

Tina waa hooyada’e, illinteeda wey celin kari weyday markii abaalmarinta la guddoonsiinayay, ma aaney filayn in boqoradda quruxda ay noqon doonto, waxey sheegtay in miisaankeedu ahaa 136 Kiiloo garaam, markii ay iskuulka dhammeysay, xilligaasna ay aad uga welwelsaneyd, waxey sheegtay in raashinku uu ahaaa dhibaatada kaliya ee ay qabtay, wax balwad ahna ma aanan lahayn, waxey tilmaantay in raashinku uu aad u soo jiidan jiray, gaar ahaan Pizzaha, Kackaca, iyo cunnooyinka McDonald’s lagu iibiyo.

Tartankan boqoradda Quruxda ee South Dakota, ayaa loo ogol yahay iney ka qeybgalaan, dumarka laga bilaabo da’da 4 jirka ilaa 56 jirka, marka ay ka qeybgalayaashu ka gudbaan isreebreeb ay sameeyaan guddi 5 qof ka kooban oo qofka marka hore la kulmaya.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close