WararkaWaxbarashada

Haweenay Shiinays ah oo Dembigan Gashay si Ay u Tijaabiso Jacaylka Uu Ninkeedu u Qabo

Dalka Shiinaha waxaa aad looga hadal hayaa sheekada ilma yar oo la waayay oo qoyskoodu ay dul dhigeen lacag 200 kun oo yen ah waa lacag u dhiganta 75 kun oo dolar oo abaalmarin loo siinayo qofkii soo sheega macluumaadka ilmahan yar.

Haweenay ka mid ah dadka daggan magaalada Yongin ee gobolka Zhejiang, ayaa ku dhaqaaqday xeelad la yaab badan, wiilkeeda yar ayay qarisay, si ay u tijaabiso jacaylka uu ninkeedu u qabo iyo sida uu uga welwelayo.

Jariidada “South China Morning Post“, ayaa sheegtay in haweenaydan Shiineyska ah ay dhaqaajisay mar ay ninkeeda is yara khilaafeen, waxey aadday iskuulk uu wiilkeedu dhigto, waxeyna ku ammartay inuu ku sugo gaari kale oo ay u sii diyaarisay, booliska ayay aadday oo ay ku wargelisay in wiilkeedu uu maqan yahay, ilmihii yaraa wey kaxaysay oo ay geysay tuulo kale oo ay ugu geysay dad qaraabadeeda ah si ay halkaa ugu xanaaneeyaan.

Si ilmahaa yar loo raadiyo, booliska heegan ayaa la geliyay, gaar ahaan kuwa magaalada Yongin iyo magaalooyinka u dhowdhow, iyagoo adeegsadanaya reasource badan oo ay dowladdu lahayd.

Ilmahan yar ayaa la helay maalintii 6aad, si degdeg ahna waxaa u soo baxday oo loo ogaaday in hooyadii ay ahayd midda si ula kac ah dadka u marin habaabisay. waxaa loo qabtay oo hadda ay u xiran tahay in lagu soo eedeeyay iney macluumaad marin habaabin ah u gudbisay dowladda iyo dadka oo ay welwel ku abuurtay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close