arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Safiirka Taliyaaniga ee Khartoum oo Xirtay Dharka Dhaqanka u Ah Dadk Reer Suudaan Islamarkaanada Wata Mooto Bajaaj (Muuqaal)

Baraha bulshada ayaa waxaa si aad ah ugu faafay safiirka Taliyaanga ee Khartoum Fabriisiyo Loobiisa oo xiran dharka dhaqanka u ah Suudaan, halka xaaskiisuna ay wadato dharka dumarka reer Suudaan dhaqanka u ah, iyagoo waddooyinka caasimaadda ku wareegaya mooto Bajaaj.

dhacdadan ayaa soo jiidatay dadka reer Suudaan, iyadoo dhacdadani ay dhaqaajisay dad badan oo la dhacsanaa in mas’uuliyiin dalal shisheeye ay ku arkaan iyagoo xiran dharkoodii dhaqanka.

Dhacdo kale, kaaliyaha safiirka ayaa soo xiratay iyadaduna dharka ay xidhaan dumarka waddooyinka Suudaan shaaha ku iibiya, Safiirka iyo nin reer Suudaan ah ayaana shaaha ka iibsanaya.

Saafiirka iyo kaaliya ayaa waxey ku wada hadlayaan lahjadda reer Suudaan, Waxey ka codsanayeen iney u kariso isaga iyo martisiisa shaah.

Safiirka waxaa lagu faafiyay website-yada wararka madadaaalada leh lagu daabaco munaasabadaha kala duwan ee arrimaha bulshadana lagu daabaco.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close