WararkaWaxbarashada

Gambool Qisada Halgamaa Soomaaliyeed oo Runta Caadaystay Xitaa Cadowgiisa Aan Been u Sheegin

Nuur Warsame Yoonis Gambool waxa ahaa nin aan beenta sheegin, oo aan runta ka gamban waxwalba oo ay xaaladdu tahay.

Waxa uu noolaa xilligii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxa uu ka mid ahaa daraawiishta Sayidka, waxaana uu ka qeybgalay dhammaan dagaalladii uu Sayidku la galay gumeysiga, ninkan daraawiish waxa uu uga caan baxay ninkii runsheegga badnaa ee aan weligii been sheegin si kasta oo ay duruuftu u adag tahay, markaa marwalba saaxiibbadii wey xujeyn jireen si mar un been loogu qabto.

Hadaba, Qisooyin badan ayaa jira oo uu Sayid Maxamed iyo ciidankii daraawiishta ay sameeyeen si ay u ogaadaan inuu Gambool been sheego iyo in kale, waxaa ka mid ah:

Maalin maalmaha ka mid ah ayay dooneen iney xujeeyaan dadka hortooda iyo saaxiibadiisii daraaweesheed, waxey ka codsadeen inuu saaxiibbadii (sab) ugu yeero, waxey tuseen dibigii ducada loogu talogalay, markii dadkii uu ugu yeerayay uu soo gaaray ayuu ku yiri: «Waxaan arkay dibi ay ag-yaallaan midiyo, dabna uu ka ag-shidan yahay, waxaana la igu amray inaan idiin wargeliyo.»

Uma aanuu sheegeen in cunto ay diyaar tahay, si taxadar ah ayuu ugu warramay, si aaney hadhow beenbaad noo sheegtay aaney ugu dhihin.

Tusaale kala, oo caddeynaya runsheegnimadii Gambool, sida ku qoran buugga Gambool.. The Truth Teller, Sayid Maxamed ayaa goostay inuu ku duulo magaalada Boosaaso, waxaa hadaba lagama maarmaan noqotay in koox sahan ah la diro si xaaladda magaalada loo soo indha indheeyo oo looga soo warramo, Gambool ayaana hoggaamiye looga dhigay kooxdii sahanka ahayd oo loo diray iney macluumaad ka soo uruuriyaan magaalada, xaaladdana ay soo darsaan; si ay u soo indha indheeyaan halka ay ka awood badan yihiin iyo halka ay ka liitaan, ciidanka Boqor Cusmaan, oo markaa ay isku kacsanaayeen Sayid Maxamed, intii howlgalka sahminta ah ay ku jireen, ayaa si lama filaan ah waxey ula kulmeen, rag si aad ah u hubaysan oo ka mid ah ciidanka ilaalada Boqor Cusmaan, oo markiiba su’aal kula soo booday, yaad tihiin? danta aad u socotaanna waa maxay?

Gambool waxa uu ugu jawaabay: «Waxaan nahay ciidanka Daraawiish, berri aroortii waxaan weerar ku soo nahay qalcadaha magaalada Boosaaso. si aan u burburinno, boqorkana aan halkaa ku jabinno.», jawaabta ayaa waxaa la cajabay ilaaladii boqorka, wey iska sii daayeen; iyagoo iska dhaadhiciyay inuu doqon ama qof beenaale ah uu yahay. Subixii ayay qalcadihii weerareen, dhibaato xoog leh ayayna u geysteen ciidanka boqorka oo tiro badan ay ka laayeen, ciidankii Gambool waxey ka soo noqdeen xaruntii daraawiisheed ee Nugaal iyagoo guuleystay, ciidankii markii ay xaruntii dib ugu soo laabteen waxey ku dacweeyeen Sayid Maxamed, iyagoo ku eedaynaya inuu faafiyay sirta ciidanka oo uu cadowga u gacan geliyay.

Sayid Maxamed Golihiisii ayuu iskugu yeeray, waxaana uu Gambool weydiiyay in waxa ay ciidanku sheegayaan uu run yahay iyo in kale. Gambool waxa uu ku jawaabay hadal caan noqday, : «Sayid kaygiiyow, waxey ciidanku igu soo eedeeyeen waa sax, xaqiiqada dhabta ah ayaan u sheegay; si uu cadowgu ugu maleeyo inaan been sheegayo, tallaabadaydiina waan ku guuleystay.»

Sheekooyinka kale ee ugu yaabka badan waxaa ka mid ah, in Gambool aano qabiil loo ugaarsaday oo qabiil kale ay goosteen iney dilaan, wey qabteen wayna weydiiyeen, Gambool meel? iygoon markaa garaneyn qofka uu yahay, halka waxa uu isticmaalay xeelad isagoo aan been sheegin, wuu eegay markaas ayuu ku yiri:  qofka aan gacantiisa ku jiro Gambool ma raadiyo.

Maanta maxaan aad ugu baahi qabnaa hoggaamiyeyaal aan dadkooda been u sheegin oo runsheeg badan si kasta oo ay xaaladdu ugu adag tahay, runtu waa badbaado, beentuna waa halaag.

Si kastaba, Gambool waxa uu taariikh ku galay runsheegnimadiisa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close