WararkaWaxbarashada

Qaanuun Cusub oo Ka Dhaqangalaya Dowladan Yurub Ka Tirsan.. Ganaax Maaliyadeed oo La Dul Dhigayo Dadka Qosla

Warar badan oo ay saxaafaddu qorayaan ayaa sheegaya in dhawaan la meelmarin doono qaanuun cusub oo lagu soo kordhin doono qaanuunka waddooyinka gudaha UK.

Jariidada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in qaanuun cusub uu saameynaya dhalinyarada 18 illaa 25 jirka lasoo kordhin doono, maadaama ay yihiin kuwa ugu badan ee shilalka waddooyinka ku dhaca gudaha Ingiriiska.

Sida ay jariidadu sheegtay, shilalkan intooda badan waxaa sabab u ah feejignaan la’aan iyo iney ku mashquulsan yihiin sheeko iyo qosol ay ku madadaalinayaan dadka la socda oo lagu daray musics cod dheer, cunto gaariga lagu dhex cuno iyo isticmaalka mobile-ka.

Daraasaddan la sameeyay oo lagu soo bandhigay jariidada waxey caddeesay in mar kasta oo tirada dadka saaran ay badan yihiin, ay kororto mashquulka iyo feejignaan la’aanta darawalka iyo shilalka waddooyinka.

Sidaa darteed, si loo xadeeyo feejignaan la’aanta xilliga gaariga la wado, dowladda Ingiriisku waxey soo rogtay ganaax lacageed oo 127 doolar ah oo ay la socoto in qofka laga mamnuuci doono inuu gaari kaxeeyo, marka dhacdooyinkaas ay soo noqnoqdaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close