arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabar Mexico Ah oo ku Guuleysatay Tartanka Quruxda Adduunka ee 2018

Vanessa Ponce oo ka soo jeedda dalka Mexico ayaa waxey ku guuleystay tartanka boqoradda quruxda Adduunka ee 2018, tartan ay ka qeybgaleen 118 gabdhood oo ka socday daafaha kala duwan ee Adduunka.

Tartanka kama dambeysta ah oo sanadkan oo ahaa kii 68aad ee boqoradda Quruaxda 2018, ayaa ka dhacay goobta loo dalxiiso ee Saaniya ee ku taalla jasiiradda Haynaan ee Shiinaha, Sabtidii.

Ponce, ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee Mexico u dhalatay ee ku guuleysata tartanka.

Mas’uuliyiinta tartanka nidaamayay ayaa waxey twitter-ka ugu hambalyeeyeen Ponce, waxey yiraahdeend: “Waxaan haysanna boqorad qurux oo cusub, sanadkan waxaa ku guuleystay Vanessa Ponce oo aan u hambalyeynayno”.

Vanessa waxey dhalatay 1992, nolosheeda inteeda badan waxey ka shaqeysay modelka iyo xayaysiinta dharka.

Waxey jirtaa 26 sano, waxey shahaado ka haysataa gacansiga caalamiga ah oo ay ka qaadatay jaamacadda Guanajuato ee dalka Mexsico, waa afhayeen u hadashada mac’hadka wadaniga ah ee dhalinyarada waxeyna xubin ka tahay maamulka markasta dhaqancelinta gabadhaha ee dalkeeda, waxey jeceshahay safarka iyo dalxiiska, wey kaftan iyo sheeko badan tahay, waddankeeda aad ayay jeceshay sawiiro badan ayay gashaa iyadoo wadatay calanka waddankeeda, xitaa markii ay tartanka ku guuleystay waxey gacanta ku soo qaadatay oo aaney illoobin calanka waddankeeda.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close