WararkaWaxbarashada

3 Dhalanteed oo Dumar Badan Ay Iska Dhaadhiciyeen oo Ka Hortaagan Iney Helaan Jacaylka Noloshooda

Ragga kuma kalsooni dhammaantood waa khiyaanoolayaal iyo doqomo.. anigu waxaan ahay haweenay aaney raggu la dhaqmi karin!, waxaa dhici karta iney fikirkan ay dumarka qaar aaminsan yihiin.

Waxaa dhici karta in haweenaydu ay arrintan iska dhaadhiciso kadib markii xiriiro hore ay ku fashilanto.. oo niyad jab ay kala kulantay markii qof ay aamintay uu khiyaano xooggan u geystay ama ay aragtay isagoo khiyaamaya oo haween kale la jooga.

Dr. Diana Kirchner oo ku takhasustay arrimaha qoyska ayaa ku talinaysa in 3 arrimood oo khaldan ay dumarka ka tanaasulaaan, waa marka ay rabaa iney nolo wanaagsan oo kalgaceyl leh ay qaataan, waa sida lagu soo qoray website-ka Love in 90 Days.

Dhalanteedka koowaad: Rag Wanaagsani ma jiraan

Dumarka fikirkan aaminsan labo dhinac ayay uga timid, tan koowaad; iney aaminsan yihiin in xiriir kasta halka uu dambeysaa ay fashil tahay, haweenaydan waxey arkaysaa in lamaane kasta uu leeyahay dhaliil aan lagu qaadan karin qofkii ay rabtay ee dhammeystirnaana aaney hayn.

Teeda kale, waxey ka baqdaan in laga tago oo meel cidlo ah lagaga dhaqaaqo, arrrintaan waxaa asal u ah kalsooni darro iyo xiriirka jacaylka ay baqdin ka qabto.

Dhalanteedka Labaad: Jacayl waara ma heli karo oo Ceeb aan la igu qaadan karin ayaan leeyahay

Arrintan dumarka aaminsan waxey baqdin ka qabaan in la diido, iyadoo dareenkani uu waxyaabo badan ka dhalan karo.

Waxaa dhici karta in ay tahay qof nafteedu ay la yar tahay, si ay uga dhowrsato markaa in la diido ayaa waxey u galaysaa difaac maxaaba cidina igu diidi, marka horeba maan ka gaashaanto.

Dhalanteedka Saddexaad: Jacaylka Dhab ah ma jiro oo lama heli karo.

Aaminsanaantan waxaa ka dhalaneysa xaalad jeesjees iyo niyad jab laga muujiyo jiritaanka jacaylka dhabta ah ee ku dhisan daryeel, dareen iyo daacadnimo.

Saddexdaa arrimood ee aan ka soo sheekeynnay waxey burburiyaan fursadaada jacaylka laakiin xal waa loo heli karaa.

Waa marka aad ogaato in dhamman xiriirada oo dhan xitaan kan heerka sare dhibaatooyin badan ay waajahi karaa, markaad awoodi weydo inaad caqabadaha ka gudubto, mashaakilaad kasta oo aad horey u soo martay   aad dib u xasuusato, waxaad dareemaysaa welwel, daal, arrintaas oo dilaysa farxadda xiriirka aad hadda ku jirto.

Waxaa lagaa rabaa inaad falcelin fiican sameyso, oo mushiladda aad waajahdo, haddii kale waxaad noqoneysaa qof tamar yar oo aan awood badneyn.

Ugu dambeyn, waxaa muhiim ah inaad naftaada eegto oo arrin kasta oo aad iska dhaadhicisay oo khaldan aad naftaada ka masaxdo, maadama aaney dadku wada sinneyn, haddii aad mar kufto mar labaad ku daadaal inaadan kufin, ogow saaxiib dhammeystiran ma jiro, qof kasta dhaliil ayuu leeyahay, waxaa hubaal ah in aad heli doonto jacaylka aad dooneyso ee noloshaada aad ku aamini karto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close